Waxyaabaha Kor-joogtada Caalamiga ah ay ka Saluugeen Doorashadii Somaliland

Hargeysa (PP) ─ Kor-joogtadii Caalamiga ah ee dusha kala socota Doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aysan arkin khaladaad waaweyn oo wax u dhimaya hanaanka ay doorashadu u dhacday.

Balse waxay tilmaameen in ay jiraan “arrimo dareen leh”. Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo la sugayo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaynta ah ee doorashada madaxtinimo.

Kor-joogtada oo maanta Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id waxay ka hadleen aragtida ay ka qabaan sida ay doorashada madaxtinimada ee Isniintii u qabsoontay.

Kor-joogtada oo ay maalgeliso Briatian waxay ka kooban yihiin 60 xubnood oo ka kala socda 27, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada.

Arrimaha ay soo qadeen waxaa ka mid ah in hanaanka la raacay uu wanaagsanaa, balse in meelaha qaar uusan si wanaagsan u shaqeyn. Waxay soo hadal qaadeen in “dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen, goobaha codbixinta qaar oo aan la raacin nidaamkii codaynta, iyo xiritaanka baraha bulshada”.

Michael Walls oo ah madaxa korjoogtada wuxuu yiri: “Waxaanu aragnay khaladaad ku saabsan hannaanka codbixinta iyo weliba tirinta, balse waxaan inoo cadaatay in khaladaadkaasi ay yaraayeen oo aanay saameyn ku yeelan karin hannaanka guud ee doorashada.”

“Waxaan is tusnay in doorasho kaste oo caalamka ka dhacda aanay boqolkiiba boqol ahayn (mid hameystiran) sidaa awgeedna doorashadan ay leedahay waxyaabo badan oo la wanaajin karo”, ayuu hadalkiisa ku daray, Mr Walls.

“Waxaan Somaliland ugu hambaleyneynaa doorashada ku qabsoontay sida ammaanka ah, waxaana shacabka ugu baaqaynaa in ay wadaan taageeridda nabada.”

Korjoogtadu horey waxay uga gaabsadeen in ay ka hadlaan xiritaanka baraha bulshada oo hawada ka maqan tan iyo markii la soo gababeeyey codbixinta, hase yeeshee shirkii jaraa’id ee maanta ayey ku soo hadal qaadeen.

“In la xiro baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa ah tallaabo adag, waxayna xadideysaa xorriyadda ay dadka u haystaan in ay aragtidooda cabiraan, taasoo ah wax ay ogol yihiin shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxa korjoogtada.

“Hadaba walaac ayaan ka qabnaa dhankaas. Balse arrinta kale ee jirto ayaa ah in aysan yeelan saameyntii looga gollahaa joojiyo baraha bulshadu kuwada xiriirto, taas oo ah in lagu yareeyo faafidda wararka aan xaqiiqada ahayn. Waxaanu aragnaa in hadallada kutiri-kuteenka ah ay weli socdaan.” ayuu hadalkiisa ku daray Walls oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta.

Somaliland iyo dunidaba waxaa aad loo dhawrayaa natiijada doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay middii ugu xamaasadda badnayd ee ka dhacda Somaliland tan iyo marki ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, bishii May 1991.

Waxaa isa soo taraya wararka la isla dhex marayo ee aan runta ahayn iyo xaflado guul lagu sheeganayo, kuwaas oo guddiga doorashooyinka uu horey uga digay.

Madaxa korjoogtada doorashada Somaliland Michael Walls oo ka hadlay dib u dhaca natiijada ayaa sheegay in ay keeneyso “wararka beenta ah ee la faafinayo, haddii natiijada aan si degdeg ah loogu dhawaaqin.

Dadka weli waxay ka dhursugayaan natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in qaar ka mid ah codadka lagu soo tiriyay gobollada lana gaarsiiyay hadda Hargeysa, Kuwana weli la sugayo.

Waxaa la filayaa in natiijada rasmiga ah ee doorashadda madaxtinimada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.

Xigasho: BBC

PUNTLAND POST