Madaxweyne Farmaajo oo u safraya Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadka soo socda ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta,kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaasi,sida ay tilmaamayso xog hoose oo laga helay Villa Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya arrimo ka mid yihiin xallinta khilaaf la sheegay in uu ka dhexeeyo labada dal,kaasoo ka dhashay faro-gelinta Imaaraadka ee siyaasadda gudaha Soomaaliya,gaar ahaanna arrimaha maamul goboleedyada.

Muranka Khaliijka ayaa sidoo kale la filayaa in lagu soo qaado kulanka ay yeelan doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka Carabta todobaadka soo socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka ka taagan gacanka Carabta,laakiin qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa taageeray dhinaca Sacuudiga iyo Imaaaraadka Carabta,taasoo uu ka dhashay muran ka dhex aloosmay maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madax Soomaalida  oo ay ku jiraan kuwa maamul goboleedyada iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu shir uga furmi doono magaalada Dubai,balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta.

PUNTLAND POST