R/W Kheyre: Ma jiro khilaaf nasoo dhex-galay aniga iyo Madaxweynaha

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ka dhexeeya ayaa sheegay inaysan jirin wax khliaafaadyo ah oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii xafiiska loo magacaabay oo laga joogo haatan siddeed bilood.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ka dhacday xalay Muqdisho oo ay ka Qayb-galeen boqolaal dhallinyaro ah, isla mar ahaantaana loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar.

“Sideeddii bilood ee aan Xafiiska joogay Aniga iyo Madaxweynaha marna isma khilaafin, wax muran ahna nama soo dhex-gelin, waana mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Khayre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay horay u arki jireen in madaxda ugu sarreysa dalka ay arrimo siyaasadeed oo aan mug badan lahayn isku qaban jireen, balse aanay taasi hadda jirin.

Marka dib loo eego eego Sooyaalka khilaafka siyaasadeed ee Mas’uuliyiinta dalka soo kala dhex-gala ayaa la dareemi jiray marka xafiiska ay muddo sannad ah joogaan Ra’iisul Wasaarayaashii Dalka soo maray, marka la eego afartii sano ee Xukunka hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay sannadka ugu horreeya is-qaban jireen Ra’iisul Wasaarayaashii hore, sida Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/wali Sheekh Axmed, oo labadaba markii uu soo dhex-galay khilaafka iyaga iyo madaxweynaha ugu dambeyn kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada Baarlamaankii hore.

Ugu dambeyn, Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre kasoo yeeray oo ah in isaga iyo Madaxweynaha aysan is khilaafin ayaa kusoo beegmaya, xilli ay farqaha ku dhagan yihiin siyaasiyiin mucaaradsan xukunkooda.

PUNTLAND POST