Madaxweynaha Puntland oo kulamo la qaatay qaar kamid ah hay’addaha Caalamiga ah

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF.

Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi.

Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF  Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay  mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada,  taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland,

Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland,

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.