FAAHFAAHIN: Millateriga Zimbabwe oo weli talada gacanta ku haya iyo rasaas dhacaysa

Harare (PP) ─ Xaaladda magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa weli kacsan, iyadoo meelaha qaarkood caawa laga maqlayo rasaas aan badnayn oo dhacaysa, inkastoo madaxweynihii waddamadaas Robert Gabriel Mugabe oo muddo 37-sano ah xilka hayay uu ku xayiran gurigiisa.

Millateriga Zimbabwe ayaa weli talada gacanta ku haya, kaddib markii saaka ay la wareegeen goobo badan oo ay ku jiraan kuwii dalkaas looga talinayay, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa sheegay in hawl-galkoodan uusan ahayn mid ay ku af-gambinayaan xukuumadda.

“Waxaan daba soconnaa kooxo dambiilayaal ah oo ku dhaw-dhaw Mugabe, balse hawsheennu ma ahan mid aan xilka kula wareegayno,” ayuu saakay u sheegay warbaahinta taliyaha millateriga Zimbabwe.

Balse, Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in tallaabooyinka ay millateriga dalkaasi qaadeen ay tahay mid u muuqata afgabi, iyadoo mas’uuliyiinta ugu sarreysa ururkan ay ku baaqeen in la dhawro dastuurka lagana digtoonaado wax walba oo dastuurka dalkaas wax u dhimaya.

Madaxweynaha xilligan ee Midowga Afrika, isla markaana ah madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa sheegay in ururku cambaareynayo falka ay ciidamadu ku doonayaan inay awoodda si xoog ah kula wareegaan.

“Ururka Midowga Afrika wuxuu ka walaacsan yahay xaaladda Zimbabwe ka taagan iyo in ciidamadu ay isku dayaan inay afgambiyaan dowladdii dalkaas ka jirtay,” ayuu yiri Conde, wuxuuna intaas ku daray inay weli taageerayaan xukuumaddii sharciga ahayd ee dalkaas ka jirtay.

Awood-maroorsiga millateriga Zimbabwe ayaa timid kaddib markii uu eryay madaxweynaha dalkaas Mugabe toddobadkii lasoo dhaafay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa isagoo ku eedeeyay in awood aanu lahayn uu lasoo baxay.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah waddamada caalamka qaarkood ayaa waxay ka digeen in xaaladda Zimbabwe ay lunto, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada xukunka la wareegay uu sheegay inaysan doonayn in xasilloonida Zimbabwe ka jira ay lunto oo uu dalkooda la mid noqdo Soomaaliya.

Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in xisbiga talada dalkaas haya ee ZANU-PF ay sheegeen inay xilkii gudoomiyaha xisbigaas ay ka qaadeen Robert Mugabe, ayna u dhiibeen madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa oo uu toddobaad ka hor shaqada laga eryay, taasoo u muuqata in laga yaabo in isaga si KMG ah loogu magacaabo xilka madaxweynenimo ee dalkaas.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Robert Mugabe ay taleefoonka ku hadleen uuna ku sugan yahay gurigiisa isagoo caafimaad qaba. Waxaase shacabka dalkaas ay isweydiiyaan sida ay xaaladu noqon doonto maalmaha soo socda.

PUNTLAND POST