Rajadii Isboorti ee Talyaaniga oo sii lumaysa kaddib markii laga Reebay Koobka Adduunka

Milano (PP) ─ Xulka Kubbadda Cagta ee Talyaaniga ayaa ka haray koobka Adduunka markii ugu horeysay tan iyo Sannadkii 1958-kii, Waxaana hadda la is-weeydiinayaa in Talyaanigu uu luminayo Mucjisaddii Cayaaraha isagoo horey ugu guuleystay afar koobka oo kuwa Adduunka ah, sida ay baahisay BBC-da.

Xulka qaranka Talyaaniga oo magaca lagu koolkooliyo uu yahay Azzurri oo micnihiisu yahay midabka buluugga ah ee ay xirtaan kooxda ayaa waxaa soo gaaray niyad jabkii ugu balaarnaa sida uu sheegay goolhaye Gianluigi Buffon kaas oo ciyaaraha ka fariistay guul daradii dhacday kadib.

Xulka Sweden ayaa Azzurri kaga badisay 1-0 ciyaarihii loogu soo baxayay koobka adduunka. Goolhaye Buffon ayaa qarankiisa u saftay 175 jeer muddadii 20-ka sano ahayd ee uu dalkiisa u safanayay.

Dadka durba ay galaafanayso guuldarada ayaa waxaa ka mid ah maamulaha kooxda Giampiera Venturo, kaas oo la filayo in lasoo afjaro qandaraaska uu kooxda ku joogo oo dhammaan lahaa sanadka 2020-ka.

Wargeysyada Talyaaniga ayaa canaawiin waaweyn boggaga hore ku qorey guuldarada ku dhacday ku dhacday kooxda, iyada oo wargeyska La Gazzetta dello Sport uu soo daliishaday beyd ka mid ah diinta masiixiga oo sheegaysa in dhacdadan ay tahay sir weyn oo qarsoonayd oo kashifantay.

Wargeyska ayaa faalo uu qoray waxa uu ku sheegay in dadka Talyaaniga ay tahay in ay hadda sii qorsheeyaan waxyaabihii ay qaban lahaayeen bisha June ee sanadka dambe maadaamaa aysan daawan karin Sweden oo ka safanaysa koobka adduunka.

Wargeyska ayaa waxa uu shaaciyay magacyada afar qof oo la filan karo in ay badalaan Venturro si kooxda dib loogu dhiso, waxaana ka mid ah maamulihii hore ee AC Milan, Juventus iyo Chelsea ninka lagu magacaabo Carlo Ancelotti.

Waxyaabaha maamule Ventura lagu eedeynayo waxaa ka mid ah in uusan fursad siinin ciyaaryahano la rumeysnaa in ay natiijo keeni lahaayeen sida Lorenzo Insigne.

Dalalka kubbadda lagu yaqaano ee sanadkan ka haray koobka adduunka Talyaaniga oo kaliya ma ahan, waxaa kale oo iyaguna ka haray Maraykanka, Ghana iyo Netherlands.

Dib u milicsiga waayihii dahabiga ahaa ee Talyaaniga

Ciyaaryahanka Marco Tardelli ayaa isaga oo dabaaldegaya cod sare ku qeyliyay markii uu gool ka dhaliyay kooxdii dalkii Galbeedka Jarmalka sanadkii 1982-dii, kadibna Talyaaniga waxa ay guusha ku raacday 3-1 gool, koobkii adduunkana ku qaaday sanadkaas.

Waxaa si weyn loo xusuustaa dhacdadii Roberto Baggio uu gafay fursaddii gool ku laadka ahayd ee uu ka dhalin lahaa kooxda Brazil sanadkii 1994-tii, waxayna taas horseedday in Brazil ay guushu ku raacdo.

Balse wuxuu ahaa goolkii lala yaabay kii uu Brazil ka dhaliyay Paolo Rossi sanadkii 1982-dii ciyaarihii lagu qabtay dalka Spain, halkaas oo ay guusha ku raacday Talyaaniga, koobkiina ku qaadeen.

Sanadkii 2006-dii ayay Talyaaniga markale qaadeen koobka, iyaga oo ciyaartii kama dambeyska ahayd kaga reeyay kooxda Faransiiska, waxaana si weyn loogu xusuustaa hardidii madaxa ee uu Zidane wadnaha kaga dhuftay Marco Materazzi.

Balse ciyaartii lagu tilmaamay tii qarniga ayay ahayd tii ay dheeleen kooxda Azzurri sanadkii 1970-kii, ciyaarihii adduunka ee lagu qabtay dalka Mexico.

Talyaaniga waxa ay 4-3 kaga badiyeen Waqooyiga Jarmalka, waxaana ciyaartaas lagu tilmaamay tii ugu xiisaha badnayd taariikhda. Xitaa garoonkii ciyaartaas lagu ciyaaray waxaa hortiisa ku dhegan qoraal iyo sawirro lagu xusayo ciyaartaas.

Ugu dambeyn, Ma lahan Guul-darrooyinka wali afkooda ka qaraar Talyaaniga waxaa ka mid ah tii ay kala kulmeen dalka Waqooyiga Kuuriga sanadkii 1966-kii. Guuldarrada xiligan usoo hoyatay Talyaaniga waa mid aysan cidina filanaynin, waxayna noqonaysaa markii koowaad muddo 60 sano ah oo Talyaaniga ay usoo bixi waayaan Koobka Adduunka.


PUNTLAND POST