Puntland oo wax ka beddel ku samaysay hannaankii loo qaadi jirey imtixaanka shaqaalaha dawladda

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland  ayaa qaaday imtixaanka qaybtii ugu horreysey ee wejiga labaad ee mashruuuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda.

Shaqaalahaan cusub ee imtixaanka u fariistay ayaa ahaa Lataliyayaal (Advisory Positions) ama xeel-dheerayaal kuwaas oo ay dawladdu u doonayso inay laf dhabar u noqdaan dejinta siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha  Hay’ada ay sida gaarka ah ula shaqaynayaan ee dawladda.

Habka imtixaanka (Recruitment Process) ee  shaqaalahaan cusub ayaa gebi ahaanba ka duwanaa sidii hore loo qaadi  jirey imtixaanka shaqaalaha dawladda iyadoo ay imtixaanka goobjoog ka ahaayeen dhammaan hay’adaha ay ka howlgeli doonaan shaqaalahaani si’ bulshada loogu muujiyo caddaalad, kalsooni buuxdaana ay u gasho tartamayaasha imtixaanka.

Waxa guud ahaan barnaamjkan ka hawl galayay 7 xubnood oo ka kala socday Hay’adaha Dawladda, waxana si gaar ah loogu xilsaaray dardargalinta iyo habsami socodka nidaamka imtixaamaadka,  iyagoo si gaar ah u qaba dardaaran ah in si caddaalad iyo xalaal ah ay ku dhacaan imtixaamkaadka, isla markaasna ay u soo baxaaan dad ku haboon una qalma shaqooyinka dawladda.

Dhammaan dadkii tartamayaasha ahaa oo aragtidooda cabbiraya ayaa mujiyey sida ay ula dhacsanyihiin hannaanka imtixaanka iyagoona tibaaxay in ay aad ula dheceen hannaankaan hufnaanta iyo bedqabku ujiro ee loosoo agaasimey imtixaanka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo ku hadlay magaca Guddiga imtixanaadka ayaa sheegay in ay wacad ilaahay ku mareen  in imtixaamaadku noqon doono mid caddaalad ah (Free and Fair Recruitment Process)  waxana uu gabi ahaanba meesha ka saaray tuhunadii hore ee ay dadku ka qabeen nidaamka shaqaalaysiinta.

Ugu danbayntii, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada  Mudane Biixi, ayaa ka codsaday in bulsho waynta reer Puntland ay ku kalsoonaadaan Guddigaasi gaark ah ee ugu xilsaaran nidaamka shaqaalaysiinta ee Dawladda, isagoo  xusay in wax kasta oo tuhun keeni kara laga fogaaday isla markaasna  gabi ahaanba meesha laga saaray.