Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays u magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                                Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:                       Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:           Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays.

 

  1. Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xumbays.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.