Khasaare ka dhashay weerar ka dhacay Maraykanka.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa dhimatay,tiro kalena waa dhaawacantay,kadib markii nin hubaysan rasaas ku furay goobo kala duwan oo ku yaalla Waqooyiga gobolka California,sida uu shaaciyey Booliiska Maraykanka.

Ninka weerarka qaaday,ayaa markii dambe Booliisku toogtay,waxaana xarumaha uu weeraray kamid ah dugsi hoose oo halkaasa. Laba isbitaal oo degaanka ku yaalla ayaa sheegay in ay haatan daweynayaan 7 ruux oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Mid kamid ah waalidiinta ay carruurtu u dhigato dugsiga hoose ee Rancho Tehama oo ku jira xarumaha la weeraray ayaa yiri“Waxaa noo soo galay macallin ordaya,wuxuuna noo sheegay in aan ku cararno gudaha,waayo? bu yiri waxaa soo socda nin rasaas ridaya“.

Booliiska ayaa sheegay in aanay weli hayn faahfaahin ku saabsan sida weerarkan u dhacay iyo tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawac ah,balse uu hadda  baaritaan socdo,islamarkaana la’ wareysanayo dadka ku sugan goobihii weerarka lagu qaaday.

Wixii faahfahin ah kala soco:PUNTLAND POST