Ugu yaraan 15 xubnood oo Daacish looga dilay duqeyn ka dhacday gobolka Bari.

Ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan Daacish ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha drones-ka Maraykanku Axaddi shalay ka fuliyeen buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland,sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.

Sarkaalka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu wargeliyey dowladda Puntland,ka hor intaan laga fulin dhulka buuraleyda ah ee qiyaastii 30km u jira degmada Qandala ee gobolka Bari,wuxuuna intaasi raaciyey in aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha gaaray malayshiyada,balse ay hayaan xog tilmaamaysa in ugu yaraan 15 xubnood oo Daacish ay dhinteen.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in duqeyntaasi jirtay,islamarkaana ay ku dhinteen qaar kamid ah argagixisada. Ilaa 15 dhiigyo-cabbe ayaa halkaas lagu khaaajiyey,sida aan xogta ku helnay“,ayuu yiri sarkaalka oo diiday in magaciisa la xigto.

Dhinaca kale Af-hayeen u hashaday Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa sheegtay in dagaallamayal ka tirsan Daacish ah ay ku dhinteen, weerar diyaaradahooda drones-ka ay ka geysteen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland subaxnimadii Axadda.

Waa duqeyntii labaad ee Maraykanku la’ beegsado Daacishta Soomaaliya,iyadoo bilowgii bishaan tii ugu horreeysay lagu duqeeyey. Ururka Daacish ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ka jiray Soomaaliya,waxaana tiro kamid ah dagaal-yahannadeedu ay horay uga soo goosteen Al-shabaab.

 

PUNTLANDPOST