Mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibaanada oo lagu toogtay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Xasan Jaciir oo mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Dowladdda Federaalka Soomaliya ee laga soo doortay deeganada Maamulka Hir-shabeelle

Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaaladda muqdisho sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Jaciir oo ahaa Oday dhaqameed uu sanaddii lasoo dhaafay magaalada Jowhar uga qeyb galayay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee lagasoo doortay dhanka maamulka Hir-shabeelle kaasi oo kajira Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Xasan Jaciir ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa diyaarinta rag ilaalo u noqda  haweenay  xildhibaanad  ah oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka taasi oo lagu magacaabo Qamar Faarax Dhaga weyne oo ah xildhibaanaddii uu isaga soo xulay.

Warar lagu baahiyay baraha Al-shaabab ayaa lagu sheegay in rag ka Tirsan Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka xalay loogu geystay magaaladda muqdisho Xasan Jaciir oo mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Dowladdda Federaalka Soomaliya ee lagu soo doortay deeganada Maamulka Hir-shabeelle.

PUNTLAND POST