Danjirihii Somalia u fadhiyay Imaaraadka oo Dhegaha ka fureystay inuu Xilka Wareejiyo


Muqdisho (PP) ─
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa ku amartay danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib markii laga wareejiyay hawlaha sfaaradda.

Qoraal 24-kii bishii hore ee Oktoobar soo baxay ayaa ka mid ahayd warqado loo kala diray safiirrada illaa siddeed waddan oo dhawaan la beddelay, balse qaarkood la sheegay inay ku gacan-sayreen amarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Haddaba, Danjire C/qaadir Shiikhey ayaa wuxuu ka mid ahaa Safiirradii ka dhego-fureystay inuu xilka wareejinayo kuna soo laabto dalka, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa ku war-gelisay Danjire Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo, Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona sii-hayaha safiirka Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta

Dhanka kale, C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaashii ugu xilliga dheeraa isagoo muddo 10-sano ka badan ahaa Safiirka Somalia u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan, gacan-saar dhawna la lahaa Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay la safan-tahay danjiraha ayna ku amrtay inuusan wareejin xilka, inkastoo ay arrintan tahay mid jiritaankeeda aanan idiin xaqiijin karin.

Haddaba, AKHRISO; Qoraalka lagu amaray Danjire C/qaadir Sheekhey;

PUNTLAND POST