Wefti ka socda Puntland oo gaarey duleedka Hadaaftimo

Wefti ay hormuud u yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa saaka 12 Nov 2017 kormer shaqo ku tegey duleedka magaalada Hadaaftimo, halkaasi oo ay kusugan yihiin ciidanka daraawiishta gobolka Sanaag.

Waftigani ballaadhan ee ka socdey dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku marayey gobolka Sanaag ee dawladda Puntland, ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Sanaag, waxayna kulan gaara la qaateen taliyaha ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag Gashaanle Sare Cabdullaahi Cumar Cashuur.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa waxaa uu sheegay in maalinta beri ah dhammaan la joojiyo dhaqdhaaqyada gaadiidka iyo shacabkaba xaaladda amniga gobolka awgeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay illaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo marin habaabinaya qadiyaddooda wadaninimo iyo tan taariikhdooda soo jireenka ahba.

Agaasime Abwaan  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xusay inaan wax sanaaduuq doorasho u eg oo ka yimaada dhinaca Soomaliland  lasoo gelin karin Magaalooyinka Yube, Carmale, Damala-xagare, Shimbiraale oo dhamaantood ka tirsan degmada Ceerigaabo, isla mar ahaantaana waxa shacabka ku dhaqanka magaalooyinkaasi la farayaa inay ku ekaadaan guryohooda maalinta berito oo ay taarikhdu tahay 13 Nov 2017 xaalado Amni awgood, waxaana uu xaqiijiyey Agaasimuhu in cidanka masoo-jeesta yaasha ah ee dawladda Puntland diyaar u yihiin illaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada xuduuddaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa kulan gaara la qaatay nabadoonada iyo waxgaradka degmada Hadaaftimo, kulankaas oo u jeedkiisu ahaa ka arrin-sashada nabad gelyada iyo xasiloonida degaanada hoos yimaada degmada Hadaaftimo iyo dhammaan gobolkaba.

 

=DHAMMAAD=

 

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.