Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaliya oo hortagaya Xildhibaanadda Aqalka Sare

Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaaladda Muqdiso.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kaasi oo su’aalo laga weydiin doona cabsida ka jirta garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho  iyo sababta keentay in xiligaan ay shaqaalaha laga mamnuuco inay soo galaan gudaha garoonka iyo xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho muddo todobaad ah.

Intuu kulanka socdo ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada aqalka sare ay su’aalo dhowr ah ay weydiiyaan wasiirka kuwaasi oo la xiriira cabsida laga qabo weeraro lagu qaado garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho.

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in qaraxyo laga cabsi qabo in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ee aadan Cadde islamarkaana la hakiyay howlaha garoonka muddo Todobaad ah.

PUNTLAND POST