Warbixin:- Doorasho taariikhi ah oo Bari ka dhaceysa Somaliland

Waxaa Bari oo Isniin ah taariikhduna ku beegantahay 13-ka November 2017 Somaliland ka dhaceysa Doorasho madaxtinimada oo taariikhi ah, taas oo ay ku dartamayaan saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cirro iyo Ucid oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe.

Somalilnad oo adduunku u aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya, balse iyadu isku magacowday Jamhuuriyad madax banaan ayaa noqoneysa goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ay ka dhacdo codbixin dadku ay isticmaalayaan Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris, taas oo wajiga qofka aqoonsata haddi uu markale soo laabto, waxaana la dhigayaa 1,642 goobood oo ah 21 deegaan oo codbixintu ka dhaceyso.

Hanaanka Doorasho ee Somaliland

Tani waa Doorashadii saddexaad ee shacabka Somaliland ku dooranayaan hogaankood shanta sano ee soo socota, waana hanaan u muuqda mid qaan-gaaray wuxuuna tirsanayaa sanadkii 15-aad waxayna ahayd markii ugu horeysay ee Doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Somaliland sanadkii 2003, waxaana markaas ku guuleystay xisbigii Udub ee u sharaxnaa Daahir Yaale.

Sidoo kale Xukuumadda Siilaanyo oo ay maanta uga hartay talada Somaliland ayaa la doortay sanadkii 2010 waxayna tiro labo jeer doorashadii xigtay dib u dhacday,iyadoo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadkii 2015,  muddo kordhintii ugu danbeysay ee loo sameeyo Siilaanjo ayay Golah guurtida Somaliland sameeyeen horaantii sanadkan 2017.

Doorashadan ayaa sidoo kale ka duwan kuwii hore, maadaama uusan tartamaynin madaxweynii xilka soo hayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Codbixiyaasha Doorashada

Tirada codbixiyayaasha Doorashadan ka qeyb galaya ayaa gaaraya 704,089 (Todoba Boqol iyo Afar kun iyo siddeetan iyo Sagaal qof) oo ka kala diiwaan gashan Gobolada Maroodi-jeex 249,229 qof, Togdheer: 147,440 qof, Awdal: 102,571 qof, Sanaag: 80,334 qof, Sool: 63,698 qof, iyo Saaxil: 60,817 qof.

Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa fasaxday dhammaan ardayda dugsiyada kala duwan dhigata iyo weliba ardayda Jaamacadaha, si ay uga qaybgalaan doorashada madaxtinimada.

Sidoo kale waxaa doorashada ka hawl-gelaya in ka badan 18,000 oo isugu jira shaqaalaha Komishanka iyo hawl-wadeenada goobta codbixinta.

Musharaxiinta xisbiyada

Doorashadan musharixiinta u taratanmaya waxay ka qeybqaateen doodo si toos ah loo baahiyay oo si furan su’aalo lagu weydiinayay, taas oo ay kala qabteen koox dhallinyaro ah iyo laanta Afka Soomaaliga BBC-da.

Saddexda murashaxba waxay doodahooda isku mowqif kaga noqdeen baahida loo qabo horumarinta tacliinta, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo dhiirigelinta aqoonsiga Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa u muuqday mid mowqifkiisu dhexdhexaad ka yahay khilaafka Khaliijka, halka Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ay la’ mowqif ahaayeen xukuumadda Siilaanyo oo horey ula safatay xufufada Sucuudiga.

Sidoo kale musharax Cirro ayaa saldhiga Military ee Imaaraatka Carabtu ka sameysanayo Berbera ku tilmaamay mid sharci daro ah, wuxuuna sheegay in hadii uu ku guuleysto madaxtinimada Somaliland uu dib u eegis ku sameyn doono.

Godoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid siyaasadiisu u jan-jeerto dhanka xisbi muxaafidka ah ee Kulmiye, wuxuuna inta badan eedeeyaa xisbiga ay mucaaradka wada yihiin ee Waddani.

Olalihii Doorashada

Waxaa Jamcihii la soo dhaafay soo gebageboobay ololaha Doorashada madaxtinimada ee Somaliland, kaas oo soo socday muddo 21 maalmood ah, waxayna xisbiyadu sameeyeen olalahooda ay codbixiyayaasha kula wadaagayeen barnaamijkooda siyaasiga ah.

Taageerayaasha Xisbiga Waddani

Sidoo kale ololaha Doorashada ayaa ku dhamaaday si nabad galyo ah, mana jirin wax dhibaato ah oo dhacday intii uu socday iyo xanibaad dhanka xukuumada ka timid, waxayna saddexda xisbi ku dhameysteen olalaha sidii loogu tala galay.

Kor-joogtada iyo Maalgalinta

Doorashadan ayaa waxaa goob-joog ka noqonaya ilaa 60 kor-joogto ah oo ka kala socda 27 dal oo adduunka ah, kana tirsan ururka caalamiga ah ee korjoogtada doorashooyinka ee lagu magacaabo EOM oo ay maalgaliso Dowladda Ingiriiska, waxaana hoggaaminaya Michael Walls oo ka socda jaamacada London University College, waxayna sabtidii shalay u kala baxeen gobolada Somaliland.

Doorashada Somaliland ayaa lagu bixiyay dhaqaale ka badan $20 Milyan oo dollar oo ay bixiyeen dalal ay ka mid yihiin, Mareykanka, Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Midowga Yurub.

Baraha Bulshadu ku xiriiro oo la xirayo.

Seddexda musharax ee u tartamaya Doroashada madaxtinimada Somaliland ayaa shalay shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta guddiga doorashada oggoaalday in si KMG ah loo xiro baraha bulshada inta ay socoto tirinta codadka doorashada, go’aankaas oo Jamcihii ka soo baxay guddiga doorashada Somaliland, waxaana lagu wadaa in galinka danbe ee maanta uu hirgalo go’aankaasi.

Sidoo kale Seddexda musharax ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay wadajirka iyo isku duubnidooda ilaashadaan, isla markaana uu soo dhammaaday ololihii iyo xafiiltankii axsaabta dhexdeeda yaalay, waxayna meel fagaare ah shacabka hortooda ku ballan qaadeen in ay aqbali doonaan natiijada ka soo baxda doorashada, iyagoo dhanka kalana uga digay Puntland inay  faragaliso doorashada Somaliland.

Seddexda musharax iyo Guddiga Doorashada

Shirkii Madasha ee Muqdisho oo lagu taageeray Doorashada Somaliland

Shirkii madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedada ee 5-tii bishan November ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa qodobadii laga soo saaray mid kamid ah waxaa lagu bogaadiyay Doorashada Somaliland.

Waxaan ku bogaadinaynaa Maamulka Somaliland habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato” ayaa lagu yiri qodob kamid ahaa qodobadii shirkaas ka soo baxay.

Puntland maxay ka tiri Doorashada Somaliland?

Puntland iyo Somaliland ayaa inta badan ku murma gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn waxaana midba midka kale ku eedeeyaa in xuduudkiisa ku soo xadgudbay, iyadoo taasi jirto ayaa Baarlamaanka Puntland oo uu u socdo Kalfadhigoodii 40-aad waxay 7-dii bishan November kulan ay yeesheen ka soo saareen Afar qodob oo ay uga hadlayaan Doorashada Somaliland, kuwaas oo kala ahaa sidatan.

  • In xukuumada Puntland si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa gobollada Puntland doorasho ku sheega Somaliland.
  • In wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas.
  • In xukuumada Puntland gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7-aad dastuurka Puntland.
  • In Xukuumada Puntland soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan arrintaas.

Intaas kadib golaha Xukuumada Puntland oo Khamiistii la soo dhaafay yeeshay kulan koodi caadiga ahaa uuna shir  gudoominayay Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayay uga hadleen qodobo ay mid ahaayeen amniga xuduudaha Puntland.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay amniga xuduudaha dalka gaar ahaan xuduudaha deeganada ay Puntland la leedahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo ay hada jiraan dhaqdhaqaaqyo doorashooyin. wuxuuna goluhu cadeeyay in midnimada Puntland ay tahay muqadas xuduudaha Puntland-na si buuxda amnigooda loo sugi doono” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed lag soo saaray kulankaas.

Sidoo kale War-saxaafadeedkaas ayaa lagu sheegay in Puntland ay ilaalinayso nabad-galyada, xasiloonida iyo degenaaanshaha Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daan-daasiga ka imanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland, waxayna goluhu cadeeyeen in aysan ka dhici doonin wax doorasho ah xuduudaha gobolada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Ceyn ee Puntland.

Puntland ayaa haatan dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada xuduudaha ay Somaliland kala wadaato gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Puntland ay  xalay gaareen degmooyin ka tirsan goboladaas, sida magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Sidoo kale War hadda PUNTLAND POST ka heshay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Wasiirka amniga iyo DDR-ka Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) iyo wafdi uu hogaaminayo soo gaareen Badhan, si balaarana loogu soo dhaweeyay.

Saadaasha Doorashada

Markii la eego olalihii Doraarashada iyo isu soobaxyadii shacabka gobolada Somaliland ee saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid waxaa muuqatay in uu cududa taageero ugu badnaa xisbiga muraaradka ah ee Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxman Cirro, kaas oo taageerayaashiisu waxdaro ka dhigeen fagaaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxaana inta badan shacabka Somaliland hadal hayaan in uu ku guuleysan doono madaxnimada Somaliland Cabdiraxman Cirro, intastoo xisbiga Kulmiye uu isna yahay xisbi kale oo awood ku leh Somaliland, ahaana xisbigii talada hayay.

PUNTLAND POST

Hargeysa