Hay’adaha Amaanka oo Qabtay Rag Al-Shabaab ah Iyo Hubkooda

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada jubba-land ay gacanta ku dhigeen labo Al-shabaab oo watay Qaraxyo iyo Hubka nooca fudud.

Raggaan ayaa lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo xili ay ciidamada Dowladda Soomaliya ay howgal ka sameenayeen gudaha Degmadaas.

Siyaad C/qaadir Maxamed, oo ah Taliyaha ammaanka Degmada Luuq, ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan oo ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen.

Ragga la qabtay ayaa lagu kala  magacaabaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax oo qirtay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

PUNTLAND POST