Xasan Daahir Aweys oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo, kana hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Hogaamiyihii hore ee kooxda Xisbul- Islaam Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa soo diray fariin maqal ah oo uu kaga hadlayo xaaladaha dalka ka jira.

Xasan Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka faa’iideeysto taageerada uu heeysto oo ah bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in aanu dayicin taageerada Bulshada Soomaaliyeed sidii ku dhacday Cabdi qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalka Al-Shabaab isaga oo ugu baaqay in uu wada hadal lagalo Al-Shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa hadda wada dhaqdhaqaaqyo dagaal oo dhan ka ah Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post, Muqdisho