In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab laga dilay

Militeriga Maraykanka ayaa sabtida maanta shaaciyey in xubno ka tirsan mintidiinta Al-shabaab ay ku dileen duqeyn cusub oo diyaaradahooda drone-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta habeenkii jimcaha lagu qaaday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 32km Waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Mudisho. Hawlgalkaan ayaa lala kaashaday dowladda Soomaaliya,sida bayaanka lagu xusay.

Duqeynta jimcihii xalay,ayaa ahayd tii 23 aad ee militariga Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya tan iyo bilowgii sannadkaan,waxaana duqeymahaasi lagu beegsaday Al-shabaab iyo Daacish,iyadoo maamulka madaxweyne Trump uu sannadkaan ballaarriyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 81 xubnood oo ka tirsan al-shabaab lagu dilay hawlgal ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

“waxaa labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana loo adeegsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo”,ayuu yiri Yariisow.

PUNTLAND POST