Gen.Maxammed Abshir Hamaan wuxuu ahaa nabad sameeye ka soo jeeday dal kamid ah kuwa dagaalku ragaadiyey ee caalamka.

Isagoo 32 sano jir ah,ayuu taliye u noqday Booliiskii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelatay markii ay xorriyadda heshay sannadkii 1960,noloshiisana wuxuu ku qaatay ka shaqeynta demoquraaddiyadda iyo midnimada dalkiisa,laakiin waxaa qiimo sare ugu kacay xiriirkii uu la yeeshay Maraykanka.

Kadib inqilaabkii uu taageeray Midowgii Soviet ee uu dalka kula wareegay Maxammed Siyaad Barre sannadkii 1969-kii,Maxammed Abshir waxaa la dhigay xabsigii lama’degaan oo uu ku jiray in ka badan 9 sano.
Wuxuu khibrad badan u lahaa dagaalkii xorriyadda,sida ay sheegaan dadkii yaqaannay.

“Wuxuu ahaa mid kamid ah geesiyaashii xaqiijiyey dhaqdhaqaadii xorriyadda Afrika .Ma jirin saaxiib ka weyn oo aan ku lahayn Soomaaliya”,ayuu yiri Robert Gosende ka soo shaqeeyey safaaraddii Maraykanka ee Soomaaliya sannadihii 1960-dii,sidoo kalena soo noqday safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya intii u dhexaysay 1992 ilaa 1993,xilligaasi oo ay Soomaaliya haysatay dhibaatadii banii’aadannimo oo ugu xumeyd.

Sannadkii 2001 Maxammed Abshir Hamaan wuxuu u wareegay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,wuxuuna geeriyooday 25 bishii October ee sannadkaan,isagoo 91 sano jir ah. Waxaa u baroor diiqay abwaannada Soomaaliyeed,hoggaamiyaasha siyaasadda iyo muwaadiniin,kuwaasoo geeridiisa ku tilmaamay”dhammaadka xilli soo maray” dalkooda.

Wuxuu ka horyimid taliskii Maxammed Siyaad iyo sidoo kale hoggaamiye-kooxeedadii Soomaaliya soo maray,wuxuuna la soo shaqeeyey saraakiil militari oo caalami ah,ganacsato,siyaasiyiin iyo culimo,kuwaasoo uu la wadaagay fikirkiisa ku aaddan sida nabad looga dhalin karo Soomaaliya.

Wuxuu la soo kulmay madaxweynayaashii Maraykanka ee John F. Kennedy iyo George H.W. Bush,wuxuuna dalkiisa ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenkii Hubert Humphrey  iyo Guddoomiyihii maxkamadda sare Thurgood Marshall. Horraantii sannadkii 1962 ayuu deeq waxbarasho ka helay dowladda Maraykanka,jaamacadda Princeton University.

“Wuxuu ahaa dadkii ugu xirfadda badnaa Soomaalida xorriyaddii kadib”,sidaasi waxaa yiri Pro.Axmed Samatar oo diraasaadka caalamiga ah ka dhiga Kulliyadda Macalester Collegewuxuu ahaa tusaale loo soo qaato hufnaanta shakhsiyadda iyo il-baxnimada”,ayuu raaciyey Pro.Samatar.

Sagaaashanaadkii xilligii fowdada ay ku jirtay Soomaaliya,macluusha iyo dagaalka sokeeye,kadib markii la riday xukuumaddii Siyaad Barre,wuxuu dowlad goboleed u dhisay waqooyi bari Soomaaliya,isagoo nabadeeyey dadkii ehelka ahaa,islamarkaana yagleelay gole isimo oo uu isaga keenay beelaha kala duwan iyo kuwa laga-badanyahay ee goboladaasi,sida ku xusan sheeko ay qortay New York Times sannadkii 1997-dii.

“Alle naguma keenee,waan is khilaafki karnaa,laakiin xabad isla dhici mayno“,ayuu jaraa’idka u sheegay xilligaasi.
Maxammed Abshir wuxuu la shaqeeyey ciidankii Maraykanka ee soo galay Soomaaliya sannadkii 1993,kadib markii madaxweyne George H.W. Bush u soo diray si ay u ilaaliyaan gurmadk banii’aadantinimo ee loo fidinayo shacabka soomaaliyeed.

sannadkii 2003 dowladda Maraykanka ayaa ugu hanjabtay in ay tarxiilayso,taasoo qayb ka ahayd ol-ole ka dambeeyey weerarkii Sep 11 ee lagu qaaday dalka Maraykanka,laakiin lix kamid ah safiiradii Maraykanka iyo ergeydii gaarka ahayd ayaa ka dalbaday xoghayihii arrimaha debadda Maraykanka Colin Powell in uu soo faro-geliyo arrinta,xilligaas Abshir iyo xaaskiisi dhimatay Maryan Muuse Guul waxay ku noolaayen Eden Prairie iyagoo haysta wiil yar o qaba   cudurka ‘Multiple Sclerosis’

Looyar Martin Ganzglass ayaa xilligaasi ka tegay gobolka Washington, D.C.wuxuuna yimid Minnesota,si uu marqaati uga hor furo xaakimkii musaafurin lahaa maxamed Abshir Hamaan oo markaasi wakhti kama dambays ah loo qabtay.
“wuxuu ahaa demoquraaddi ee ma ahayn dagaal ooge“,sidaasi waxaa yiri Ganzglass oo la kulmay sannadkii 1966 muddo dheerna saaxiib lahaa”waxaan rumaysnahay in Soomaaliya aysan habbooneyn in ay  dib ugu noqoto reer-reerkii iyo qabyaaladdii,dhammaanteen waxaan nahay Soomaali, waa inaan dowlad si wadajir ah u dhisanno ayuu yiri Maxammed Abshir oo la hadlayey saaxiibkiis Ganzglass.

Intii uu ku jiray xabsiga Laanta-buuro oo caasimadda Soomaaliya u jira 55mile,isaga iyo saaxiibkiisa la xirnaa waxay qoraallada loo keeno akhrin jireen inta ay suuliga ku jiraan,sida uu sheegay Ganzglass.Sidoo kale mid kamid ah ilaaladii xabsiga ayaa Maxammed Abshir Hamaan u soo dusiyey kitaab quraan ah,halkaasoo nin saaxiibkiis ah oo la xirnaa uu Mr. Hamaan u dhigay aayado kamid ah quraanka iyo buug laylis ah.

Kadib markii xabsiga laga sii daayey bishii June sannadkii 1982 Maxammed Abshir Hamaan wuxuu saaxiibkiisa Ganzglas ku yiri “waxaa laga yaabaa inaad maqashay inaan asal raac noqday.Haa, waxaan ahay asal raac xorriyadda taageera”.

Cabdiraxiim Maxammed Abshir wuxuu kamid ahaa afar carruur ah oo uu dhalay maxamed Hamaan intii uu xabsi guriga ku jiray ee aan loo dhaadhicin jeelka.

“Ma aqoon sida uu u egyahay aabbahay,keliyaha waxaan aqaannay sawirkiisa” ayuu yiri Cabdiraxiim.
Maxammed Abshir Hamaan waa tabar-darreeyey sannadihi ugu dambeeyey,hayeeshee wiilkiisa ayaa sheegay”in uu nolol fiican ku noolaa” gobolka Minnesota,kadib markii uu ka hawlgabay nolosha guud,wixii ka dambeeyey sannadkii 2000 xilligaasi oo la isu keenay kooxihii Soomalida si loogu dhiso dowlad qaran.

Wuxuu ka tegay 14 carruur ah,wuuna soo adeegay.

xigasho/wargeeska startribune.com

PUNTLANDPOST

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *