khasaare ka dhashay gaari dad lagu jiirsiiyey dalka France.

Booliiska magaalada Toulouse Koonfurta dalka France ayaa sheegay in ugu yaraan saddex arday ay dhaawacmeen,kadib markii nin si ula kac ah gaari u jiirsiiyey meel u dhow iskuulkooda jimcihii maanta.

Ninka loo xiray falkaan oo da’diisa lagu shegay 28 sano jir,ayaa Booliisku horay u ogaayeen denbiyo yar yar oo uu geystay,laakiin kuma jirin liiska dadka looga shakisanyahay argagixisada,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka Reuters.

Dhammaan ardayda wax ku noqday falkaan waxay ka soo jeedaan Waddanka Shiinaha,waxaana mid kamid ah laga daweynayaa dhaawac culus oo ka soo gaaray madaxa,sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka.

Xeer ilaaliyaha magaalada Toulouse, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “in xilligaan uusan dhacdada u arkayn mid argagixiso,inkastoo uusan ka fogayneyn haddana“,wuxuu tilmaamay in ninka weerarka geystay uu in muddo ahba la’noolaa dhimir xanuun,islamarkaana isbitaal la dhigay sannadkii 2016.

In ka badan 240 ruux ayaa ku naf waayey dalka France ,tan iyo bilowgii sannadkii 2015,weerarro ay qaadeen dad taageersan Daacish,,waxaana Isniinta soo socota ku beegantahay sannad-guuradii labaad ee weerarkii Paris ee ay ku dhinteen ugu yaraan 130 ruux.

Horraantii todobaadkaan,Booliiska France ayaa hawl gal ay fuliyeen ku xiray sagaal qof oo looga shakisanyahay argagixiso,halka mid kale laga qabtay waddanka Switzerland.

PUNTLANDPOST