Saad al-Hariri” Hezbollah iyo Iran ayaa af-duubtay Lebanon”.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Lebanon iyo Xisbiga Lebanon’s Future Movement party ayaa Boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in si deg deg ah dalkiisa loogu soo celiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Lebanon Saad al-Hariri oo 5 maalmood ka hor is-casilay isagoo ku sugan Sacuudiga,xilli ay soo baxayan warar sheegaya in al-Hariri lagu khasbay is-casilaadda,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AP.

Bayaan uu soo saaray Xisbiga Lebanon’s Future Movement oo uu ka tirsanaa al-Hariri,ayaa walaac looga muujiyey xaaladdiisa,waxaana lagu dalbaday in uu ka soo laabto dalka sacuudiga,haddii aan xabsi lagu hayn. Al-Hariri ayaa is-casilaaddiisa ka shaaciyey television laga leeyahay sacuudiga 4 bishaan Nov,isagoo sheegay in Hezbollah  iyo Iran ay af-duubteen dalka Lebanon,islamarkaana ay doonayeen in ay shir-qool isaga ku dilaan.

Laakiin hoggaamiyaha Hezbollah,Hassan Nasrallah ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid ay Boqortooyada Sacuudigu u soo yeerisay oo khasab looga keenay”si loogu khalkhal geliyo midnimada iyo wadajirka dadweynaha reer Lebanon”.

Ninka haatan laga hadlayo ee Saad al-Hariri aabbihiis oo ra’iisal wasaare ka soo noqday dalkaasi,ayaa ku dhintay qarax gaari oo  ka dhacay caasimadda Beirut sannadkii 2005,waxaana dilkiisa lagu eedeeyey Ururka Hezbollah,hase yeeshee wuu beeniyey.

Wasiirka Arrimaha debadda Lebanon ayaa sacuudiga ku eedeeyay in ay xabsi-guri ku hayaan Saad al-Hariri,wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo soo celiyo,laakiin Sacuudiga ayaa beeniyey wararka tibaaxaya xiritaanka al-Hariri,waxayna ku tilmaameen”kuwo aan sal iyo raad lahayn”.

Al-Hariri ayaa Khamiistii maanta sheegay in uu la kulmay safiirka France u jooga Sacuudiga,Ergeyga Midowga Yurub ee Sacuudiga iyo deblomaasiyiin kale,laakiin madaxweynaha France,Emmanuel Macron oo booqanaya Sacuudiga ayaa diiday in uu ka hadlo arrintaasi,wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in xukuumad cusub loo dhiso dalka Lebanon .

Dhinaca kale dalalka sacuudiga iyo Kuweyt ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan waddanka Lebanon,halka kuwa ku suganna ay ugu baaqeen si deg deg ah in ay uga soo baxaan. Wakaaladda Wararka sacuudiga ee SPA,ayaa ka soo xigatay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha debadda Boqortooyada in xaaladda waddanka Lebanon ay qasantahay.

“Boqortooyadu waxay talo ku siisay dhammaan muwaadiniinta in aanay u safrin dalka Lebanon,kuwa joogana ay uga soo baxaan sida ugu dhaksaha badan”,ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha debadda.
Saacado yar kadib Xukuumadda Kuweyt ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisayt in ay ka soo baxaan dalka Lebanon,sida lagu xusay bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka KUNA.

Taariikh kooban.

Saad Hariri wuxuu ku dhashay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga 18 April sannadkii 1970,waxaana dhalay ra’iisulwasaarihii hore ee Lebanon,Rafic Hariri, wuxuu ku soo barbaaray guri siyaasadda laga jecelyahay.

Labo dhalasho ayuu ka haystaa sacuudiga iyo Lebanon

Sannadkii 1992 ayuu ka baxay Jaamacadda McDonough Georgetown ee waddanka Maraykanka oo uu ka dhammeeyey  Kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta.

ka hor intaanu siyaasadda gelin wuxuu soo noqday madaxa guddiga fulinta ee shirkadda Oger Telecom oo ah mid isgaarsiin oo ka shaqeysa Bariga dhexe iyo Afrika.

20 April sannadkii 2005 ,xilligaas oo aabbihiis qarax ku dhintay,waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha Xasbiga Lebanon’s Future Movement oo uu horay madax uga ahaa abbihiis Rafic Hariri.

9 November 2009 waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Lebanon,isagoo xilkaasi hayey tan iyo 13 June 2011.

12 December 2012 xukuumadda Syria ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo oo ay ku eedeysay in uu hubaynayey mucaaradkeeda,balse Al-hariri ayaa arrintaasi ku gacan sayray.

18 December 2016 ayaa mar kale loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Lebanon,laakiin 4 November 2017,ayuu iska-casilay jagadaasi isagoo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga,wuxuuna sheegay in dalkiisa ay af-duubteen Iran iyo Hezbollah,islamarkaana uu ka baqayo in ay shirqool ku dilaan.

9 November 2017 maanta ayaa Xukuumadda Lebanon ka dalbatay Sacuudiga in uu soo celiyo Al-hariri oo ay ku tilmaantay “mid guri ugu xiran Sacuudiga”.

 

PUNTLANDPOST

W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar