Militeriga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa siyaadiyey hawlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab ee degaannada ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellooyinka,halkaasoo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka,sida ay ku warrantay Wakaaladda SONNA.

Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood,ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay”in ugu yaraan saddex ka tirsan al-shabaab ay ku dhinteen,afar kalena ay ku dhaawacantay ” ,dagaal kooban oo militeriga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka lagu magacaabo Basra oo ku dhow degmad Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,balse ma sheegin khasaaraha dhankooda gaaray. Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dowladda oo warkaasi xaqiijisay.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo hawlgal cusub oo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka,kaasoo sida uu hadalka u dhigay ay ka qayb qaadanayaan shacabka,inkastoo uusan faahfaahin ka bixin doorka shacabku hawlgalkaas ku leeyihiin.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degaannada laga xoreynayo Al-shabaab loo samaynayo maamul soo celiya nidaamkii iyo dowladnimadii,islamarkaana hirgeliya adeegyadii bulsho ee muddo ka maqnaaa,wuxuuna rajo ka muujiyey in hawlgalkaasi guulaysto.

PUNTLAND POST