Booliiska gobolka Nugaal ayaa xiray saddex nin oo lagu eedeeyay in ay dhac u geysteen bakhaar ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasoo xalay guryahooda laga soo qabtay,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska.
Taliyaha Saldhigga dhexe ee Garoowe Dhamme.maxammud Muuse Bile(Fardafuul) oo la soo xiriiray PUNTLAND POST ayaa sheegay in saddexda nin ay dhac u geysteen bakhaar lagu magacaabo Rowda oo ku yaalla bartamaha Garoowe,islamarkaana Booliisku raadinayeen maalmihii la soo dhaafay,hase yeeshee xalay laga soo qabtay guryahooda.
Dhinaca kale Fardafuul ayaa sheegay in la qabtay nin khamraysan oo xalay saqdii dhexe weeraray saldhigga dhexe ee Garoowe,kaasoo muddo saacado ah la-gaallamayey Ciidanka.
Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net