Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa joojiyay muddo shan maalmood ah dhammaan shaqooyinkii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka socday Xalane ee xarun u ah ciidamada AMISOM, kuna dhagan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Al-shabaab qorsheynayso inay weerarro la beegsadaan garoonka iyo Xalane oo ah xarunta AMISOM.
Ciidamada Midowga Afrika ayaa soo saaray Qoraal agu amrayo dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka hawl-gala Xalane inay shaqadii laga joojiyay inta u dhexeysa 09-ka illaa 13-ka bishan November, iyadoo amarro culus oo dhinaca amniga ah laga soo saaray.
Haddaba, Amarrada ay AMISOM soo saartay waxaa ka mid ah:
- In baaritaan xagga ammaanka la xiriira ka sameyn-doonto xerada shant amaalmood ee l xiray, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints.
- Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Xerada Xalane laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga iwm.
Sidoo kale, Dharka maalmood ee ay hawlaha amni socdaan waxaa lagu war-geliyay dhammaan; safaaradaha, shaqaalaha ajaanibta, Qandaraaslayaasha, shirkadaha iyo ganacsatada ka dhex-shaqeeya Xalane Amarradan soo socda;
- Inay xisaabiyaan gawaarida (yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Xerada, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka.
- Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada (good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan
- Hoteellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha, qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah.
- Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo.
- Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa.
- Caddeyn ka keen labiska, kaararka aqoonsiga iyo Qandaraaska, kaasoo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan.
- Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay u soo saaraan sababo ammaanka la xiriira, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.
PUNTLAND POST