Madaxweynaha Puntland oo DFS ku wareejiyey gurmadkii Puntland ee Qaraxii Soobe

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 07 Nov 2017 DFS ku wareejiyey gurmadka dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ugu talagaleen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October 2017, deeqdaasi lacageed ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun Dollar [ Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107 Dollar ].

Munaasibadda xafladda wareejinta gurmadka Puntland ee qarixii Soobe oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Soobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  oo ka hadlay  xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalhooda ku waxyeeloobey qaraxii Soobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado.

“Wixii waajib ka ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha dawaldda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in markii ay dhacday dhacdadii foosha xumayd ee 14 October 2017 lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ay fikirkiisa wax ka bedeshay, taas oo ay sababtay buu yiri Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed meel kastay joogaanba qiirada qashay iyo wanaagga Soomaalinimo ee ka muuqatey caruur, dhalinyaro iyo cirooleba, waxaana uu Su’aaley siyaasiyiinta Soomaaliyeed ” war shacabku waa saxan yihiin ee armay inaga wax inaga qaldan yihiin haddaan siyaasiyiin nahay?, isla markaana Madaxweynaha ayaa xusay in shacabku direen fariin Soomaalinimo loona baahan yahay inay qaataan fariintaasi Madaxda Soomaaliyeed ee iminka Soomaaliya ka arrimisa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wada jirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen,

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kahadlaya laba dhacdo oo cajiiba ayaa xusay in inanta da’da yar ee reer Puntland ee ku deeqaday buskudka ay markaas maal aduunyo gacanta ku haysey iyo laba inan oo reer Muqisho ah oo  iyana si lamida ku deeqay lacag wixii ay markaas haysteen ay ka turjumayaan sida qof kasta oo Soomaali ahi ugu diyaarsan yahay inuu cadawgiisa iska dhiciyo.

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad balaadhan ugu celiyey Puntland iyo shacabkeedaba qurmadkani dhan Nus Maluunka ay ugu deeqeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxii Soobe, waxaana ay tilmaameen  inay dhankooda diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay dhibaatadaasi gacan xoogle uga geysan lahaayeen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku waraan, waxaana uu Madaxweynuhu deeqdii lacageed ee dhamayd Nus Malyuunka  [$491, 107 Dollar ] ku wareejiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga heer qaran ee masiibadii qaraxii Soobe 14 October 2017.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.