Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac  ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco ka dib markay jiireen gaari yar oo labo qof ay la socdeen kolonyo ka mid ah gadiidka UN –ka oo is-hareer yaacaya wadada.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ku dhimatey shilkaan gabadh la socotey gaariga yar, halka dhaawac culus uu soo gaarey darawalkii gaarigaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Faruur-dheer.

Dhacdadaan oo ahayd mid argagax leh ayaa mid ka mid ah gadiidka kolonyadda UN-ku dusha ka marey gaariyar oo ay la socdeen labadaas qof oo midkood geeriyooday, xilli kolonyaddu si xawliya isu hareer yaacayeen labada seed wadada loo maro garoonka macmalka ee Konoco..

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST