Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka dowladiisa ay ku qaadayso dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.
Madaxweynaha oo Saraakiisha la hadlayay, ayaa u sheegay inay haystaan shacab diyaar u ah in ay kala qayb qaataan dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu fadhin u oolin.
“Shacab wanaagsan oo baraarugay oo soo jeedo waad haysataan, oo idin daba taagan oo garab idin siinaya. Wax noo haray ma jiraan dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
“Maskaxdii, aqoontii iyo khibraddii umadda ay sugeysay waa idinka, marar badana waa idin sheegay, hadana waan idinkugu celinaya, cid kale oo Somaliya u maqan ma jirto, aan idinka ahayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab, kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Hoos ka Daawo Video-ka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland post