PDRC oo lagu abaalmariyey Xulka Kubbadda Koleyga Puntland

Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa shahaado sharaf  loogu aqoonsadey doorkey ka qaadatey ciyaaraha iyo dhiirigalinta dhalinyarada gudoonsiisay Hay,adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ka dib xaflad lagu maamuusayo guusha ay kasoo hoyeen maalin ka hor gabdho ku ciyaaraya kubbadda koleyga magaca PDRC oo ka guulaysatey koox kale oo la yiraahdo Garowe City

Sidoo kale Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Isboortiga Puntland ayaa qoorta u surey Buraale Kabayare bilad sharaf hawlkarnimo oo ku lamaaneysan shahaado sharaftii la siiyay hay,adda PDRC .

PDRC ayaa lagu xasuustaa taageeradii ay ka geysatey ciyaarihii Gobolladda ee ugu horeeyay Puntland 10 sano ka hor, Iyadoona wixii intaas ka dambeeyay si toos ah ugu hawlaneyd arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha.

Daawo Xafladda Abaalmarinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST