Frensisco Madera Safiirka Midoowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya oo Wariyaasha kula hadlay xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Arimo kala duwan .
Frensisco Madera waxa uu xaqiijiyay in Ciidamo Ka socdo AMISOM ay dhamaadka Bishaan ka bixi Doonaan Dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah ay uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaasina ay dhamaatay howlgalkoodii.
Waxa uu ku hanjabay in inta aan la gaarin sanadkaan ay ciidamada AMISOM Al-Shabaab ka saari doonaan goobaha ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya.
Frensico Madera Ayaa sidoo kale Beeniyay in Ciidamo Cusub oo Itoobiya ka socdo ay Soo Galeen Gudaha Dalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho