Madaxweyne Gaas ”Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya waa ka badbaaday Duqayn lala beegsaday”

BOSASO-[Puntland Post] Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da qeybta Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraleyda  gobalka Barri.

Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas uu ka badbaaday Hogaamiyaha kooxda Daacish ee Buuraleyda Bari Cabdulqaadir Muumin ayna dawladdu wali wado baaritaano dheeraad ah.

Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in laamaha Sirdoonka ee dawladda Puntland ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha Argagixisada ah, ayna macluumaad kasta la wadaagayaan cid kasta oo Argagixisada la dagaalamaysa.

Jimcihii la soo dhaafay ayey ahayd markii diyaarado ay lee yihiin Maraykanku ay Duqaymo ka geysteen Buuraley ku dhow Degmada Qandala ee Gobalka Bari .

Dhagayso Wareysiga Madaxweynaha Puntland .

Cabdiqani Boos

Puntland Post