Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 Nov 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay kalfadhiga 2-aad  fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS.

kalfadhiga 2-aad  fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxaaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Fadhiga 15-aad ee kal fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxa uu sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlaanka DFS uu yahay golaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya kajira, waxaanu uu timaamay Madaxweynuhu in Aqalka Sare ee DFS uu leeyahay awoodo iyo shaqooyin u gaara oo loo baahan yahay inay fahmaan mudanayaasha Aqalku.

Sidoo kale Madaxweynaha oo lahadlaya mudanayaasha Aqalka Sare ayaa xusay inay si toosa u metelaan dawalddaha xubnaha ka ah DFS, madaama taasi-jirtona loo baahan yahay inay wada shaqayn dhow oo joogta ah la yeeshaan dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Dhica kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS inay aaminaan fadaraaliisamka, ku shaqeeyaan Fadaraaliisamka, dardar-geliyaan hirgelintiisa maadaama iyaga laftooda lagu soo doortay nidaamkaas uuna yahay nidaamka keliya ee Soomaaliya lagu horumarinkaro.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha golaha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS  iyo kan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ay  Puntland ku yeelan doonaan xafiisyo ama xarumo ay ku shaqeeyaan , isla markaana ay xarumadooda Puntland looga hirgelin-doono ay ku jiridoonaan qasriyo lagu marti-sooro oo ay ku nastaan, ku shaqeeyaan, wakhtigooda fasaxa ku qaataan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.