DAAWO:- Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe oo maraya Gabo-gabo.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa maraya heer gabo-gabo ah, sidey u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST maamulka Shirkadda dhisaysa ka dib kormeer ay halkaas ku tageen wafti uu hogaaminayo Ambassador Abshir Xasan Abshir oo bilihii lasoo dhaafey ku sugnaa deegaanada Puntland.

Abshir Xasan Abshir oo horey usoo noqday Xildhibaan iyo Safiir ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya inay kaalintooda ka qaataan dhamaystirida hawlaha weli u harsan Garoonka Diyaaradaha Garoowe, wuxuuna tusaale usoo qaatey sidii loogu sharfey Madaxweynihii horre Xasan Sheikh Maxamuud inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Dhinaca kale maamulka Shirkadda dhisaysa Garoonka ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay ku rajo weyn yihiin dhamaadka bisha November oo hadda lagu guddo jiro dhameystirida dhamaan shaqada ka socota Garowe International Airport,Isagoona u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatey habsami u socodka hawlaha Garoonka.

Muuqaalka hoose oo noqonaya warbixintii 3aad oo muuqaal ah oo ay Warbaahinta PUNTLAND POST kasoo tabinayso dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Garoowe waxaa diyaariyay Wariye Abshir Dhiirane.

Haddaba DAAWO Wacan.

Ciid Qaran

PUNTLAND POST