Roobab aad u xoogan oo mahiigaan ah ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Roobabkaan ayaa biloowday xalay saqdii dhexe abaarihii 2:00 Habeenimo xili dadku ay hurdayeen waxaana uu socdaa ilaa iyo saaka.
Roobabkaan ayaa ah kuwo Mahiigaan ah oo si xiriir ah magaalada uga da’aya ayaa sidoo kale roobabku waxa uu gaaray duleedka magaalada Muqdisho.
Roobabkaan ayaa sababay in uu xirmo isku socodka gaadiidka iyo meelaha qaar dadweynaha ee Magaalada Muqdisho.
Wadooyinka iyo laamiyada waaweeyn ee Muqdisho ayaa waxaa fadhiistay biyaha xareeda Roobabka kuwaasi oo aanay gaadiidka iyo dadkaba isticmaali karin.
Sidoo kale roobabkaan ayaa waxaa saameeynta ugu badan uu ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oo aan heeysan hooy ay kaga gambadaan dhaxdanta iyo Qaboowga Roobka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho