Daawo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Puntland oo booqday Garoonka Bosaso

BOSASO-[Puntland Post] Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi, ayaa maanta booqday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari,

Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka hawlgala Garoonka diyaaradaha BoosaAso oo kamid ah garoomada ugu Casrisan ee dalka ku yaala.

Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo  shaqaalaha laanta socdaalka kulan kula qaatay Garoonka dhexdiisa iyagoona ka wada hadlay qaabka ay u shaqeeyaan.

Agaasimaha ayaa ku amaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Puntland ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada Puntland iyo sidii loo gayn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan.

Daawo Muuqaalka Kormeerka Agaasimaha Guud ee laanta Socdalka Puntland ee Garoonka Boosaso

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST -BOSASO