Garowe:- Ardey shaaciyay inuu u tartamayo hogaaminta Ardeyda Jaamacadda

Cabdulaahi Cali Aadan oo ah Musharax u tartami doona Gudoomiyaha Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garowe ayaa caawa  kulan uu ku shaacinayo musharaxnimadii la qaatay ardeyda Jaamacadaha,Qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada iyo Warbaahinta.

Wuxuu soo bandhigay Ardeygaan musharaxa ah, waxqabad uu horey uga soo qeybqaatey arrimaha bulshada sida Abaaraha,Dayactirka wadooyinka magaalada,Ololaha barnaamijka ku celi waxaad baratey dhulkaaga hooyo oo qeyb ka ahaa Tababaro iyo Wacyi galin dhalinyaro ay ka samaysay magaalada Garowe.

Musharax Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto muddo sanad ah inuu hogaamiyo Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika inuu isbedel kusoo kordhin doono dhiirigalinta waxbarashada iyo nidaamka isku xirka Ardeyda Jaamacadaha.

Wuxuu sheegay inuu sii xoojin doono barnaamijyo horey loo hindisay kuwaas oo qeyb ka ahaa sadaqeysiga cilmiga iyo la dagaalanka jahliga.

Ugu dambeyntii dhamaan dhalinyaradii kasoo qeybgalay xafladda ayaa sheegay inuu noqonayo Cabdulaahi Cali musharaxii ugu horeeyay oo  doonaya inuu u tartamo doorashada Ardeyda Jaamacadda oo qabta  kulan noocaan oo kale ah , waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi u qalma hogaaminta Ardeyda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST