Shir looga hadalyey wejiga labaad ee shaqaalaysiinta shaqaalaha rayidka ah ee PL oo lagu qabtay Garowe

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta Mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee bangiga adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa manta lagu qabtay  xarunta wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Waxaa shirka kazoo qayb galay saraakiil ka soconaysey dhammaan hay’adaha ka faaiidaysanaya mashruuca, xafiiska maamulka mashruuca ee PCU iyo lataliyayaal ka socdey Baanka adduunka.

Shirkaan oo loo yaqaan Technical Implementation Committee(TIC  ) oo bishiiba mar la qabto isla markaana looga arrinsado dardargelinta mashruuca ayaa waxaa manta Furay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Maxamed Cali Dhaanto waxaana uu halkaasi kasoo jeediyey hadallo nuxurkoodu ahaa sidii looga faa’iideysan lahaa mashruuca.

Qodobkii ugu horreeyey ajandaha shirka ayaa ku saabsanaa halka uu marayo wejigii labaad ee shaqaalaysiiinta shaqaalaha rayidka ah ee dawladda iyadoona uu ka warbixiyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Musfafe Saciid Shabac isagoona sheegay in ay arrintaasi marayso meel aad u wanaagsan oo hadda lagu gudo jiro kala xulista codsadaayasha soo dalbaday jagooyinka kala duwan ee bannaan isla markaana dhowaan arrintaasi la shaacin doono.

Madaxasha xiriirka Mashruuca Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa isaguna sheegay sida uu mashruucu ula socda arrimahaan shaqaalaysiinta qaybtii labaad ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda isla markaana ay dhankooda diyaariyeen wax wlaba la xiriirey arrintaan oo dhanka mashruuca looga baahnaa.

Sidoo kale qodobadii shirkaan looga haydlay waxaa kamid ahaa mashruuca tayaynta shaqaalaha ee CIP oo labo sano jirsadey waxyaabaha u qabsoomay, waxyaaba aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen iyadoona lagusoo bandhigay shirka in ay socoto daraasad la xiriirta arrimahaan oo si qoto dheer loogu kuur geli doono guula iyo caqabadaha mashruuca.