Jaaliyadda Cuman oo $15,000 ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe

Bosaso-[Puntland Post] Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ayaa soo gaarsiisay culumada iyo guddiga sida iskood ah iskugu xilsaaray Samata bixinta dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho .deeqdan lacageed oo dhan $15.000 oo dollar, taasi oo ay uga qayb qaadanayaan gurmadkaa loo samaynayo dadka dhaawaca ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayey deeqdan lacageed ayaa lagu qabtay xafiiska mu’asasada Al-minhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qayb galay madaxda mu’ssadda Al-minhaaj , gudiga Culimada Puntland ee Samata bixinta qarixii ka dhacay isgoyka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur oo ah Gudoomiyaha Culimada sida iskooda ikugu xil saaray taakulanta dadkii waxyeeladu ka soo gartaya qarixii ka dhacay isgoyska Zoobe ee muqdisho ayaa munaasabada ka sheegay in ay la wareegeen 15,000 oo daalar taasi oo ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan, waxaana uu xusay in aysan ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocaan ah ay jaaliyada soo gaarsiiso.

Sheikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ahaa culumadii ka qayb gashay xaflada ayaa Eebe uga baryay muxsiniintii Soomaaliyeed ee ugu deeqaday lacagtan in uu ka ajirsiiyo ,badal ka qayr badan ugu badalo Aduun iyo Aakhiroba

Deeqdan ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan culumada Puntland ee sida iskood ah isugu xil saaray taakulanta dadkii ku waxyeelobay qarixii ka dhacay 14 bishan isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho ayaa qeyb ka ah gurmado kala duwan oo loo sameynayo dadkasi oo xiligan u baahan gar gaar dag dag ah.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post ,Bosaso