Maqaal:- Gen. Max’ed Abshir Muuse wuxuu caan ku ahaa wadaninimo!


Alle ha u naxariistee General Max’ed Abshir Muuse ayaa markii uu soo hana qaaday ay ku beegnayd xilligii uu dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka  ahaa ka socday meelo  badan oo ka mid ah qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto wuxuuna nasiib u helay inuu ka mid noqdo dhallin-yaradii gobollada dhexe ka soo galay ciidammadii Talyaaniga sida ayodayaal badan oo ay isku waqti ahaayeen Gen. Abshir isagoo ciidankaas ka mid ah ayuu hadan wuxuu ka tirsanaa si qarsoodi ah ururkii SYL. Wuxuuna mushaarkiis qayb ahaan ku bixin jiray miizaaniyadda ururka oo isagu dhaqaalaha uu helo uu ka soo geli jiray dadka Soomaaliyeed ee gumeysi  diidka  ah .

Gen. Max’ed Abshir ayaa dhowr sano ka hor gobanimmada intaan la qaadan wuxuu ka mid ahaa saraakiil Soomaaliyeed oo dhallin yaro ahayd oo dalka Talyaaniga loogu qaaday taba-bar  wuxuuna noqday taliyaha ciidammada difaaca Soomaaliyeed (Somali Defence Force)  intii aan la aasaasin ciidanka booliska Soomaaliyeed,  hasa ahaatee markii  ciidankaas la kala qaybiyay ayaa Gen. Max’ed Abshir loo magacaabay inuu noqdo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed halka Gen. Daa’uud cabdulle loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed.  Gen. Abshir  oo lagu tilmaamo inuu ahaa aasaasihii ciidammada boliiska Soomaaliyeed wuxuu markii u horeysay ku dadaalay oo uu ka shaqeeyay in ciidanka ay boliiska Soomaaliyeed ay yeeshaan tayo wanaagsan ooay ku hanan karaan amniga gudaha dalka,  si uu taas ugu guuleystana wuxuu markii u horeysay  ku dadaalay inuu musuqmaasuqa iyo  kala dagaalamo ciidanka gudihiisa, wuxuuna ku dhisay ciidan kooban oo runtii ku tilmaanaa tayo iyo sugitaanka  amniga dalka gudihiisa.

Gen. Max’ed Abshir Alle ha u naxariistee, maadaama dalku uu ahaa mid markaas gobanimadiisa qaatay oo aan dhaqaale lahayn wuxuu ku dadaalay inuu xakameeyo tirada ciidanka boliiska ah laakiin uu kor u qaado qalabayntooda iyo  taba-baradooda, wuxuuna heshiis xagga taba barrada ciidanka iyo qalabayntood ah la soo galay ciidanka  booliska  dalka Jarmalka  Galbeed waagaas, heshiiskaas ilaa hadda wax ka dambeeyay ma jiro, waxaana sida la ii sheegay heshiiskaas ku jiray waxyaabo badan oo kor loogu qaadayay  ciidammada booliska ah noloshooda  sida dhismaha xeryaha ciidanka boliiska, guryaha xataa isbitaalka boliiska ee Madina heshiiskaas ayuu ka mid ahaa.

Af-Hayeenkii hore ee barlamnka Soomaaliya SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen in Gen. Max’ed Abshir Muuse  uu dhowr jeer yimid ama uu ka hadlay barlamankii waqtigaas isagoo laba jeer oo ka mid ah barlamanka weydiistay in dastuurka iyo xeerka sharciga laga dhigo diinta Islaamka, “…intii uu isaga ahaa Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed habeenkii waxaan seexan jiranay iyadoo  tuulo kasta oo dalka ka mid ah maalintaas wuxuu gabalka ugu dhacay xogteeda la ogyahay, waaga markuu beryana xalay waxay ku barisay laga war hayo, waxana intaas dheeraa in danbiilayaasha si qarsoodi ah Itoobiya gudaheeda looga soo qaban jiray!….” sidaas waxaa igu yrir Allle ha u naxariistee SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen, wuxuuna intaas ku daray in Gen. Max’ed Abshir uu dhowr jeer  fashiliyay Af-gambe ay saraakiisha ciidammadii qalabka sida qaarkood la damacsanaayeen dowladda iyagoo waliba u balan qaaday inuu isaga madax-weyne noqonayo, hasa ahaatee Gen. Abshir  wuxuu u sheegi jiray in dowladdu aysan waqti badan jirin oo dhowaan ay dhaltay, dalkuna saaxiibo badan lahayn, dhaqaale ku filan lahayn,  cadow bandanna uu ku hareeraysanyahay.

Waxaa iyadana xusid mudan in General Max’ed Abshir Muuse uu ahaa ninkii ugu horeeyay taariikhda Soomaaliya ee xilkii uu hayay uga tegay inuusan la shaqayn karayn nidaamkii dowladdii jirtay ee xizbigii SYL ka dib markii ay dowladdu cadaadis ku saartay inuu ciidammada boliiska uu ku amro inay u codeeyaan xubnaha murashaxiinta xizbiga SYL, 1969kii, arrintaas oo uu si bareer ah uga hor yimid kuna tilmaamay mid aan u cuntamayn ciidanka boliiska Soomaaliyeed. DHowr sano ka dib af-gambigii ciidammada ay dalka ku qabsadeen Gen. Max’ed Abshir waxaa loo taxaabay xabsiga, ka dib uu soo galay goob uu ka socday tartan kubadda cagta ah oo uu daawashadeeda ka soo qayb galay madax-weyne Max’ed Siyaad Bare, markaasoo dad-weynihii ciyaarta daawanayay ay mar keliya u sara kaceen soo dhoweynta Gen. Abshir iyagoo magaciisa ku dhawaaqaya “ABSHIR! ABSHIR!…) waxayna soo  dhoweynta noocaas ahayd ka careysiisay Max’ed Siyaad, waxaana sid al sheego ay sabab u noqotay xariggii ugu dheer ee Max’ed Abshir Muuse uu galo 10-12sano.

Sanadkii 1990kii, General Max’ed Abshir Muuse wuxuu xubin ka ahaa ururkii Manifesto oo tiradoodu ahayd 114 xubnood oo soo saaray Bayaan ay Max’ed Siyaad Bare ugu sheegayeen inuu xukunka isaga dago si nabad gelyo si dalka looga badbaadiyo inuu galo burbur iyo colaado siyaasadeed…Laakiin markii uu qoraalkaas soo baxay ka dib dowladdu waxay xir-xirtay intii ay  gacanta ku dhigtay ee xubnihii Manifesto, iyadoo ku eedeynaysa inay dacaayad faafiyeen si ay xiisad u kiciyaan oo dad-weynaha iyo dowladda isaga hor keenaan, waxaase arrintaas oo aan la filayn inay xubin ka tirsan manifesto ku dhiiran karto jawaabteeda si cajiib oo aan cabsi iyo gabbasho ku jirin uga jawaabay  Alle ha u naxariistee Gen. Max’ed Abshir Muuse oo idaacdda Midowga Boqortooyada Britain (BBC) ay waraysatay isagooo bartamaha Muqdisho taagan “annagu waraaqda waxaan u dirnay Max’ed Siyaad, waxaana ku dirnay habka registration-ka ah ee gacanta looga dhiibayo, waxaana laynoo sheegay inay gaartay, laakiin markaan jawaab ka weynay baanu faafinay.” Ayuu yiri Marxuum Max’ed Abshir Muuse, waxaan xasuusnahay in maalintaas uu idaacadda ka hadlay maalintii xigtay yimid Wazaaradda Boostada iyo Is-gaarsiinta oo aan aniga laftayda ku arkay isagoo weydiisanaya in la siiyo cadayntii in qoraalka ururka la gaarsiiyay madaxtooyada….mase la siin…Waxaa iyadana xusid mudan in marxuumka Alle ha u naxariistee uu marar badan is hor taagay in ururkii Manifesto uu u xuub siibto urur hubaysan ama taageera ururada hubaysan ee jabhadihii markaas ka soo dagaalamayay Itoobiya.

Intii uu burburka dalka ka dhacay waxaa Max’ed Abshir lagu xasuusanayaa inuu ahaa oday Soomaaliyeed oo nabad doon ah kana soo hor jeeday dagaalladii iyo coladihii dalka ka socday, wuxuuna magaallada Muqdisho iyo inta ka dhexeysa magaallada Kismaayo caam ku ahaa in meeshii dagaal ka bilowdo isagoo calan cad wata uu dhex tago dhinacyada dagaalamaya isago ku dadaalaya inuu heshiis iyo nabad dhex dhigo!… Sidaasoo kale, waxaa la rumaysan yahay in General Max’ed Abshir Alle ha u naxariistee uu  isagu hormuud ka ahaa nabad gelyada iyo inay gobollada Puntland ay ka badbaadaan burbur soo gaara, markii uu noqday guddomiyaha ururka SSDF ee xilliyadii colaadaha wuxuu xoogga saaray  in  uu kooxaha dagaalamaya ku qanciyo inay wada hadal ku bedelaan dagaalka iyo  xiisadaha colaadda, wuxuuna ka qayb galay dhammaan shirar dib-u-heshiisiinta ahaa ee Soomaalida loo qabtay marka laga reebo kii u dambeeyay ee lagu qabtay dalka Kenya (Mbagathi) shir kasta oo uu tegayna wauxuu ku tilmaanaa shakhsi u taagan ama mar kasta ujeeddadiisu ahayd nabadayn, isu soo jiidis, dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, dadka uu garanayay inay dadkiisii yihiin, wuxuuna habeen iyo maalinba u taagnaa ilaa uu hadda geeriyooday sidii dadka Soomaaliyeed dhexdooda is faham iyo nabad loo dhigi lahaa…. Alle ha u naxariisto General Max’ed Abshir Muuse.

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *