Qof naftiisa biimeeyey oo isku qarxiyey meel u dhow saldhiga bartamaha Bosaso

Qarax aanan sababin wax khasaaro ah marka laga reebo qof loo maleynayo inuu fuliyey ayaa goor dhaweyd ka dhacay afaafka hore ee saldhiga baratamaha ee magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa Puntland Post u sheegay in qaraxa uu sameeyey qof is miidaamiyey, balse uu ku geeriyooday isaga oo kaliyah.

Dhawaqa qarax iyo Rasaas ay rideen ciidamada saldhiga baratamaha ayaa laga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Boosaaso.

Sarakiisha Ciidamada dawlada iyo masuuliyinta Maamulka gobalka iyo Degmada ayaa hada ku sugan halka uu qaruxu ka dhacay waxan ciidmada dawladu ay wadan baaritaan.

wixii soo kordha la soco Puntland Post