Jawaari oo ku soo wajahan Garowe

Afhayeenka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo soda soo gaaraan magaalada Gorowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga uu hogaaminayo Jawaari oo ka soo kicitimi doona magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeriya laga hayn sababta ay u imanayaan Garowe, walow war hoose oo aan la xaqiijin sheegayaan in dhawaanahan khilaaf hoose ka dhexjiray Afhayeen Jawaari iyo madaxda sare ee Federaalka.

Safarkan ayaa sidoo kale ku soo Aadaya iyadoo khilaaf ka dhexjiro dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada, walow uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay shir wada hadala oo ay ku yeelan doonaan Muqdsho.

Wixii warara ee ku soo kordha safarka Jawaari waxaad kala socon doontaan PUNTLAND POST.