Daawo soo dhaweyntii Garowe ee Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Garowe si diiran loogu soo dhaweeyay Wafuud ay kala hogaaminayeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo socdaalkooda ay ku wahelinayeen Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari iyo xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooco ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Gudoonka Baarlamaanka Puntland, Wasiiro iyo Xildhaano ka tirsan Puntland,  Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Soo dhoweyn kadib Madaxweyanaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe Saxaafada ku siiyay hadal.

Madaxweyanaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Sharaf weyn u thay inay Puntland yimaadaan Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya berina ay ka qayb galaan furitaanka kal fadhiga 40-aad ee golaha wakiillada Puntland.

Dhanka kale Gudoomiyaasha labada Aqal ayaa dhankooda ka mahad naqay soo dhoweynta balaaran ee ay ku qaabileen shacabka magaalada Garowe iyo masuuliyiinta dawladda, waxaana ay tilmaameen in Puntland ku talaabsatay horumar lixaadle, Soomaaliya oo dhanna ay u tahay hormuud iyo tusaale.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wufuuda ay hogaaminayaan ayaa si dhaba loo ogeyn waxa uu quseeyo imaashahooda Puntland, iyagoo ka gaab-saday in Saxaafadu su’aalo ka weydiiso socdaalkooda.

Garowe

PUNTLAND POST