Al-Shabaab oo Xalay weerar ku Qaaday Degmada Afgooye

Dagaalyahano Ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya oo ku yaala Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Dhanka Buunda yare.

Dadka deegaanka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Shabaab dagaalka inta uusan  bilaaban ay madaafiic ay ku garaaceen saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaliya ee degmadaas, kadibna uu dhacay dagaal dhex maray iyaga iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Saraakil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in shabaab ay xalay Degmadaas weerar ku qaadeen balse ay iska difaaceen.

Dhanka kale Illaa haatan lama oga khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Magaaladda Muqdisho waxaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

PUNTLAND POST