Wejiga Labaad ee Mashruuca GPE ee Waxbarashada oo maanta Garowe laga daah-furay

Waxaa maanta magaaalada Garoowe laga daah-furay wejiga labaad ee Mushruuca Iskaashiga Waxbarashada ee Caalamiga ah(Global Partnership For Education Programme),kaasoo lagu horumarinayo tayada waxbarashada Puntland,gaar ahaanna dugsiyada hoose/dhexe iyo manaahijtooda.

Mashruuca oo uu daah-furay ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Axmed Cali Xaash,ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada waxbarashada,iyo Maaliyadda Puntland,Wasiiru ku-xigeenka waxbarashada,Wasiiru-dowlaha qorshaynta,xubno ka socday Baarlamanka Puntland,ku xigeenka Madaxa Hay’adda UNISEF ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale,waxaana mashruucaan oo socon doona muddo saddex sano ah ku baxaya $5.6 malyan oo Dollar.

wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa fulinaysa mashruucaan oo wejigi kowaad uu horay u soo dhammaaday,waxayna wasaaraddu ku tilmaantay”mid faa’ido weyn u leh tayeynta  guud ahaan waxbarashada Puntland oo haatan ku socota horumar xawli ah”,sidoo kale wasaaradda ayaa u mahadcelisay UNICEF oo mashruuca ay soo mariyeen deeqbixiyaasha caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxammed Cabdulqaadir Cismaan oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaan wasaaradda ka saacidayo soo saarista buugaagta dugsiyada hoose/dhexe,taba-barka macalimiinta,deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda ka soo jeeda qoysaska saboolka ah, tayeynta imtixaanka dugsiyada hoose/dhexe iyo xoojinta kormeerkooda.

“Mashruucaan wuxuu wasaaradda ka saacidi doonaa in ay wasaaraddu samayso buugaagtii akhriska dugsiyada hoose dhexe.Mashruucaan sidoo kale wuxuu wasaaradda ka saacidi doonaa dadka danyarta ah in la siiyo deeqo-waxbarasho oo ka kooban 2650 arday oo danyar ah,ayuu ka bixin doonaa waxbarashadooda si dhammaystiran,waxaana loo qaybin doonaa dhammaan degaannada Puntland.Mashruucan sidoo kale wuxuu taba-barsiin doona 1500 oo macallin oo ah,macallimiinta hoose/dhexe.Muddada mashruucaan socdo wuxuu saacidi doonaan imtixaanka wasaaraddu ay qaaddo,khaasatan hoose/dhexe”,ayuu yiri agaasime Maxammed Cabdulqaadir.

Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland Dr.Maxammed Cali Faarax ayaa munaasabadda ka sheegay in mushruucaan qayb ka yahay qorshaha waxbarashada ee ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland,kaasoo socon doona muddo 5 sano ah ka bilowday sannadkaan 2017,kuna eg sannadka 2021.

“Waxaa sharaf noo ah dhammaan maanta in halkaan lagu daah-furo,mashruucii labaad ee ay maalgelinayso Iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarashada G P E Global Partnership For Education,mashruucaas oo ka tarjumaya kuna qotoma baahida waxbarasho ee Puntland,bulshadeedu ay u baahantahay,kuna qotoma qorshaha waxbarasho ee ay diyaarisay wasaaaradda waxbarashada muddada 5 sano ah ee 2017 ilaa 2021.Waa mashruuc qiimahiisa leh”,ayuu yiri Dr.Maxammed Cali.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje)ayaa dhankiisa munaasabadda ka shaaciyey in Wasaaradda maaliyadda Puntland ay dhowaan siyaadin doonto miisaaniyadda waxbarashada Puntland,taasoo uu tilmaamay in ay qayb ka tahay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada,wuxuuna si weynu ammaanay dadaalka ay wadaan mas’uuliyiinta waxbarashada puntland ee uu ugu horreeyo wasiir Abshir Yuusuf Ciise.

“Dowladda Puntland waxay dadaal dheer ugu jirtaa in la horumariyo Puntland dhinac kast.Xaqiiqdii waxaan oron karaa wasaaradda waxbarashada Puntland door weyn bay haysaa,hortoodana kama lihi ee aad baan ugu mahadcelinayaa mar walba dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada”ayuu yiri Dhaqaaje.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Pro.Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in mashruucaan uu daboolayo dhammaan baahiyaha ka jira dhinaca waxbarashada,gaar ahaanna tayeynta waxbarashada as-aasiga ah ee dugsiyada hoose/dhexe,isagoo caddeeyey in ku dhowaad 3000 arday oo ka soo jeeda qoysas danyar ah ay mashruucaan ka faa’idaysan doonaan,islamarkaana ay helayan waxbarasho lacag la’aan ah.

“Baahiyaha inoo yaalla ayuu aad wax ka qabanayaa,waayo? xagga tayada haddaan eego waxaa qayb ka qaata in ardayda danyarta ah laga bixiyo fee-ga,marka runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsananahay markii ku dhowaad 3000 arday oo danyar ah waxbarashada laga bixiyo.marka insha allaha mar haddii wax la bilaabo inta kalena tartiib-tartiib ayey u dhammaanaysaa”,ayuu yiri Wasiirka waxbarashada.

Kusimaha Madaxweynaha ahna,Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland mudane.Axmed Cali Xaashi oo daah-furay mashruuca , ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono tayeynta waxbarashada Puntland iyo in laga gudbo caqabadaha horyaalla,wuxuuna tilmaamay in dowladda Puntland ay sannadkasta sii kordhin doonto miisaaniyadda waxbarashada,si loo tayeeyo manahijta dugsiyada,xirfadda macalimiinta iyo kormeerka imtixaanaadka.

Daawo sawirada daah-furka

 

 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar