Maxamed Xaashi Carabey “Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe Galmudug faragalin ayey ku hayaan”

Madaxweyne ku xigenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku eedeeyay Madaxweeynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay faragalin ku hayaan maamulka Galmudug sida uu sheegay.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in faragalin toos ah ay ku hayaan Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Axmed Madoobe,waxaa uuna sheegay khilaafka kajira Galmudug in uu san aheyn mid ay ku lug leedahay dowlada dhexe, balse uu yahay mid ay kulug leeyihiin Puntland iyo jubbaland.

Waxaana uu ku eedeeyay maamuladaasi in aysan wadin dhex dhexaadin Galmudug balse khilaaf ay ka dhexe wadaan hogaanka sare ee Galmudug sida uu hadalka u dhigay, sidoo kale ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arimaha Galmudug.

Hadalkaan ka soo yeeray Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa u muuqdo in uu kaga jawaabayo kadib markii Madaxweynaha Galmudug Xaaf lagu casuumay shirka maamul goboleedyada ee ka furmayo 28-ka Bishaan Muqdisho .

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay dhowaan in ay xilkii ka qaadeen Dhamaan Madaxda maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post