Maqaal: Madax dalal kale xilka u haya, Soomaaliyana xukuma! (II)

W/Q:- Axmed-Yaasiin Maxed Sooyaan

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale, Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa Aragtida Qoraaga, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga Aragtida.

Dalkeenna in la qabsaday oo la haysto wali ma dad baa shaki ka qaba?! Waa ceeb sida xaalkeenu yahay, waa ceeb sida dhallin-yarada dhaxalka dalka lahayd uu xaalkoodu yahay!…Arrintu waxay maraysaa; Haddaad DHimato Geeridu Mar Bay Noolasha DHaantaayee!… ma waxay kula tahay inaad xor tahay haddaad Soomaali tahay?!….Bal fiiri sida laguula dhaqmay, dalkaaga sida adigoo doqonimo qoslaaya oo raali ah lagaaga dhaxal wareejiyay…..Xinka adiga dhexdaada la dhigay!… Xeerarka Guumeysigu marna isma bedelaan! Waa laga yaabaa in waqtiga iyo dadka la guumeysanayo ay kala duwanyihiin, laakiin guumesi ujeeddadiisu waa mid afka uu yaqaanana waa mid, diintuu rabo ha haysto, midabkuu doono ha yeesho.

Guumeystayaashii dalkaeena soo qabsaday ee qaybsaday dhaqankoodii iyo guumeysiga (wax Beesha Caalamka isugu yeera) maanta dalkeena duulaanka ku ah dhaqankooda bal in yar aan  is-garab dhig ku samayno, Ingiriiska markuu Woqooyi-Galbeed yimid isagoo ciidankiisa iyo saandiisa wata hadana wuxuu markii u horeysay xiriir la sameeyay  dadkii bulshada  ka muuqday sida odayaashii beelaha, sidaas oo kale dhanka Koonfureed Talyaaniga isagoo ciidammadiisa wata ayuu heshiisyo la galay odayaashii beelaha, tani waxay horseedday inay dadka ka qortaan shaqaale u adeega iyo dhalin-yaro askar ah oo mushaar ka qaata, waxaana laga hor joogsaday  inay ciidan yeeshaan,  ujeeddada laga lahaa askartaas iyo shaqaalahaas waxay ahayd oo keliya in iyaga layska hor mariyo si ummadda loogu qabsado….waxay sidoo kale mushaar u qoreen odayaashii beelaha, shaqaale kasta oo uu gumeysiga qoranayana waxaa qasab ahayd inuu keeno ama uu soo magacaabo mid ka mid ah odayaasha beelaha, wuxuu dadkii ka qortay askar hubka u qaada oo fulisa shuruucdiisa, wuxuu u samaystay maxkamado!….

Isu ekaa ayaamuhu!….maanta guumeysiga jooga dalka Soomaaliya waxba kama duwana kii qarniyadii tegay jiray, magacyadii dalalkii wax gumeysanayay baa waxay isu bedeleen magacyo la wadaago, sida dalal ku bahoobay magac gobol, ama magac urur, ama magac  aan summad gaar ah ku tusayn (Beesha Caalamka) laakiin cidda wax guumeysanayasa waa kuwii horay loo yaqaanay!… Bal fiiri maxaa innagu dhacay?! …..wali waa odayaashii beelaha!…. markii hore waxaa la keensaday ciidammadii(AMISOM) dalka lagu qabsan lahaa oo aan ku socon magacii dalkii guumeystaha ahaa laakiin guumeystihii uu mushaar siinayo Odayaashii beelaha ayaa la yiri xil-dhibaano iyo waziiro keena (macnaha shaqaalihii mushaariga ahaa ee u shaqayn lahaa) waxaana xusid mudan mar kasta oo dalkeena cadow ku soo duulay ama guumeystuhu ina qabsanayay waxaa hiil u ahaa dalal muslim ah…Gudini Geed Ma Goyso Ee Geed Kalaa Ku Gooya, Haddaan Gaalo Islaam Wadin Inama Soo Gasheen!

[Bal dekedaha  Midow ImmaaradahaYar-Yar  ee Carabta lagu wareejiyay maxaalagu bedeshay?!..Dano shakhsiyadeed oo gaar ah!..]

DHagar! DHagar baa dhacday!….Laakiin dhagar muxuu dhaxalkeedu noqon karaa?!….KHariidaddii qarsoonayd ee laynoogu sheegay gurmad iyo nabad ilaalin gunteedii waxay noqotay shaxdii shaydaanka!…Adigu hal lug ii geli anigaa lugta kale gashanee!…. SHaydaankii xabbadda meseggeda ah dherega ku darsaday!   Ee markii dambe yiei “Xabbadu waa tarantaa sida abuur dhulka la geliyay ee geed dhalay ka dibna sabuul soo saaray bay u tarantaa!..” waa xabbaddii meseggeda ahayd ee shaydaanku dheriga ku darsaday!

Guumeystiyaashii Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Faransiiska, markii ay dalka soo galeen wixii u horeeyay ee ay sameeyeen waxay ahayd inay qortaan askar Soomaaliyeed oo ay ku sheegayaan inay ammaanka iyo qaynuunka dhowrayaan, askartaas marka la qoray waxaa lagu xiri jiray oo sharuudda ugu muhiimsan ay ahayd in qofka raba inuu askari noqdo uu leeyahay oday nabad-doon ah oo dammaanad ku keena….Waagaas waxaa laoran karaa guumeysiga dhaqankiisa lama aqoon, laakiin maanta maxaa innagu dhacay?! Wali raadkii guumeystayaashii Soomaaliya qabsaday waa muuqdaa waxaana wali nool xubno ka mid ahaa dhallin-yaradii dalka ka xoreysay ee diiday siyaasaddiisii intuu keensado uu dalka ku qabsado ama ku haysto.

U fiirso sida ay inoola dhaqmeen Midowga Immaaradaha Yar-Yar ee carabta, markii u horeysayba waxay qorteen ciidamo Soomaali ah oo ay iyagu leeyihiin!…Sidee bay ku suur gashay?…..jawaabtu waa fududahay DHallin-Yaradii dalka lahayd baa dayacday! DHallin-Yarada iyagoo soo taagan dekedahoodii niman shisheeyuhu keensadeen iibinayaan loogana dhigay inay sharci tahay, loogana dhigayo inay dowladnimo tahay….Waxaana intaas dheer Midowga Immaaradaha Yar-Yar ee Carabta waxay muujiyeen qab ay rumaysanyihiin inay leeyihiin cudud ciidan oo aad u qalabaysan aadn u taba-baran, Soomaaliya ciidanka ugu tirrada badan uguna hubka fiicanna uu yahay ciidanka ay iyadu ka qoratay dhalin-yarada Soomaaliyeed ee ay mushaarka siiso.

[Midowga Imaaradaha Carabta“Dekeddii Boosaaso waan haysaanaaee maxaad isku haysaan?!” Jawaabtu….!

Xaqiiqdu waxay tahay in dalkii Soomaaliya ay madax ka noqdeen rag xilalka u haya dalal kale, rag madax ku noqday xeerar ay dalal shisheeye ah rabaan inay Soomaaliya ku qabsadaan, inay kheyraadka Soomaaliya ku dhacaan, waxaana sharci dalkii ka noqday wax kasta oo dalalka shisheeyaha ah ay sharci ka dhigaan, sidaas oo kalana waxaa sharci-daro ka ah wax kasta oo ay iyagu yiraahdaan sharci ma aha!….waxaan taas cadayn u ah bal is weydii dal dhan oo dowlad ah, oo gole shacab leh, oo madax-weyne leh, oo gole waziiro leh, baa nin meel tuulo ah iska fadhiya inta loo tago  wixii la doono laga saxiixanayaa, oo aan golayaashii dowladda midna ka hadlayn, oo madax-weynihii uusan ka hadlayn, mase u malaynaysaa dowladaha waxaan samaynay inaysan ogeyn waxaan inay sharci darro tahay?! Waa ogyihiin, laakiin mar hore ayeey ka tashteen, waayo dhalin-yaradii la dagaali lahayd iyagaa askar ka dhigtay oo mushaar siiya, marka yeey dalka uga baqayaan?…

Waxaa kaloo jira warar aan la xaqiijin ama aan rasmi ahayn oo sheegaya in aamusnaanta madaxda dowladda federal-ka ay sabab u tahay caga jugleyn iyo fariimo uga yimid xagga dowladda Itoobiya, wararkan ayaa si gaar farta ugu fiiqay in safiirka Itoobiya ee dalka Soomaaliya Jamaaml-u-diin Musdhafe Cumar uusan ka bixin xafiisyada madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha Soomaaliya, waxaana sidoo kale soo baxay in dowladda Immaradaha Midoobay ee Carabta ay saami ku siinayso dowladda Itoobiya sugitaanka ammaanka iyo hanaanka ay suuro gal ku noqon lahayd boob ay ku hayso dhulka iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waan sida ay hadda Itoobiya ku heshay saami gaaraya 19%  masheuuca ay Immaaradaha midoobay kula wareegeen dekedda Berbera.  Kaaga daranee maxaysan dad-weynuhu ogeyn?!….Qorshaha Immaaradaha Midoobay ay wataan waa in shaqaalaha dekedda dhisaya dhammaan dibadda laga keenaa,  marka la dhisana shaqaalaha imaanaya sida wararka soo baxay ay tilmaamayaan shaqaalaha muhiimka waxay ka imaanayaan dalalka Hindiya iyo dalka Filibiin (Philippines)…. Waxaa kaloo iyadana mamnuuc ah  sida uu qorayo heshiiska ay Immaaradaha Midoobay kula wareegayaan dekedda Boosaaso in xeebaha ku dhow-dhow ee leh dekad dabiici ah  ama meel wax laga soo dejin karo aan la adeegsan karin in wax laga soo dejiyo!….

[Dowladnimo lama baryo, hadiyad layskuma siiyo,Gaal iyo Muslimna midna kuuma oggola!]

Midowga Immaaradaha Yar-Yar ee Carabta heerka ay gaareen odayaashii, wax-garadkii ama aan iraahdo shacabkii oo diiddan heshiiska dhagarta ah oo leh dekeddeenna sideeda ha inoo ahaato, sidaas baan ku qanacsannahay, maraakiib waaweyn ma lihin, sida ay hadda tahay baa innagu filan, adeeggeenna iyo baahideenana ka badan, baa Midowga Imaaradaha Yar-Yar Carabtu dekeddii Boosaaso la wareegeen, marka taas macnaheeda maxay tahay? Taas macnaheedu wax kale ma aha ee waa dagaal lagu soo qaaday dalka Soomaaliya, waa dhagar laga galay dadka Soomaaliyeed, waxaana muuqata Midowga Immaaradaha Carabta inay cadaysteen colaad lagu duminayo qaranimmada Soomaaliya, laakiin dalka ummad baa iska leh, qabkaas-qabka dhaafayna aan qaadanayn!…..Arrintaan in la diido oo laga dhiidhiyo maxaa diidaya? Waxaa diidi kara oo keliya inay sharci ku fadhiso sharci ay ku fadhisana ma jiro, taasi macnaheedu waxaa weeye ilmaha yar-yar dhaxal xun yaan looga tegin, annaga awoowayaasheen dhaxl quruxsan iyo aayo fiican baan ka dhaxalnay, marka kuwaan annaga awoowayaasha u nahay haddii wixii wanaagsanaa ee awoowayaasheenan ka  dhaxalnay aan waxba ugu darayn isaga aan ku sinno…Dowladnimo lama baryo, hadiyad layskuma siiyo, Gaal iyo Muslimna midna kuuma oggola! Waxayna ku dhisantahay waxa ugu qaalisan ee ummaddu leedahay oo ah inay raadinteeda DHalin-Yarada u dhimato, markii la hantana ilaalinteeda DHalin-Yaradu u dhimato, waxay ku dhisantahay dhiigga DHalin-Yarada Ummadda!…

Guumeystuhu waa mid, afka uu yaqaanana waa mid, oo waa in dhiig uu daato, waa in dhiiggiisa la tuso kaagana aad hurto!….Guumeystayaashii ayaantaan waxay dagaal ku hayaan oo ay diidanyihiin oo ay aad dalalkii ay  soo guumeysan jireen ugala dirirayaan fikradda wadaniyadda ah, waxayna bilaabeen faafinta dacaayad lid ku ah wadaniyadda iyagoo taas sabab uga dhigaya inay lid ku tahay xoriyadda qofka! waayo haddii ay fikradaas jirto waxaa ku adkaanaysa inay ku xad gudbaan muwaadhinka iyo wadanka, waana fikradda  ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay kala dagaashay dadka Soomaaliyeed  isla markaasna ay fadhiidka ka dhigtay maqnaanshaheedana lagu dumiyay oo lagu qabsaday dalkii!

[Heshiisyada Turkiga lala galay waxaa moodaa inaan wax sharci ah oo dalku  leeyahay  aan loo  fiirin, laakiin shakhsiyaad ku danaysteen!….Sidaas oo kalana heshiisyada Imaaradaha Midoobay ee Carabta!]

DHanka kale, waxaa la furay Sal-dhig dowladda Turkiga ay ku sheegtay inuu yahay xero lagu tabo-barayo ciidammada Soomaaliya isla markaasna ah sal-dhigga ugu weyn ee ciidamo Turki ah ay leeyihiin ee ku yaala meel ka baxsan dalkooda! Qaabka iyo sida lagu furay sal-dhiggan waxay ka soo hor jeedaan dhammaan xeerarka sugitaanka sharafta qaranimo ee dalka Soomaaliyeed, waxay khatar ku yihiin dhammaan xeerarka madax-bannaanida dalka ee ku cad qawaaniinta iyo dastuurka Soomaaliya, marka la fiiriyo sababaha sahalay in sal-dhig noocaan ah uu dal shisheeye ah Soomaaliya ku yeesho waxaa ugu weyn burburka dalka ka jira iyo cabsida iyo tuhunka laga qabo dhaqanka waxa Beesha Caalamka loogu yeero, dowladda Turkigana waxay ka faa’idaysatay cabsidaas jirta.

 Turkiga waa dowlad aan wax badan wadaagi karayno, waxayna Soomaaliya tustay taageero iyo hiil sokeeye oo dhow, waxayna Midowga Imaaradaha uga duwanayd oo ay uga fiicnayd  inaysan samaysan ciidamo Soomaaliyeed oo iyada u gaar ah oo mushaar ka qaata, ciidamo kasta oo ay hubaysay ama ay taba bartayna waxay hoos tageen Talis ciidan Soomaaliyeed, laakiin heerarka qaarkood ee ay inala gaartay waxay meel ka dhac ku tahay sharafta ummadnimo ee dadka Soomaaliyeed, arrintu waxay ka bilaabatay baahidii iyo abaartii baahsanayd ee xilligii SHiikh SHariif Axmed dalka ku habsatay iyo gurmadkii bin-aadminimo ee ay muujisay Turkiya, hasa yeeshee sida hadda raadkiisa laga aqrisan karo gurmmadkaas wuxuu ku soo dhammaaday walaac guntiisu tahay qorshayaal dhaqaale iyo military oo si aan sharci ahayn looga dhameystay madax aan xil-kas ahayn, ama sida ay u dhaqmayeen ay ka muuqatay inaysan madax isu haysan una muuqday inay saxiixayeen heshiisyo ay danahooda gaarka ah dhaafsadeen.

Xamar sida muuqata waxay ku dhacday gacanta Turkiga….Sal-DHIg ciidan, Dekeddii Xamar, Gigadii Diyaaradaha, Isbitaalkii Guud ee Digfeer, Dugsiyo gaar ah oo dowladda Turkiga ay leedahay.. waxaanse wali la ogeyn qorshayaasha kale ee daba yaal iyo baaxadooda inta ay la egtahay!.. madax dalal kale xilka u haya!…madax wakiilo u ah dalal kale Soomaaliyana xukuma!…Dowlad caawisa dowlad kale weligeed bay dunida ka jirtay mana aha wax innagu cusub, ilaa mantadan la joogana aduunka kama  dhammaan is-bahaysi, iyo, dalal xulufo noqda, ama xag military ha ku noqdaan ama xag ganacsi iyo is-kaashi dhaqaale ha ku noqdaan, hadana marka laga reeb tiro aad u yar, dalalkaas inta badan madax-banaanidooda qaranimo way dhowrsantahay, waxayna leedahay mudnaanteeda, laakiin heshiiska sal-dhiggaas lagu sameeyay maxaa lagu saleeyay? Marka la xisaabtamo Turkiga sal-dhigga oo aan lgu darin buu dheeri innaga wadaa!…..

[KHeyre maba garanba huga uu qabo!…markii uu la kulmay Lavrov qaabkii uu u salaamay anshaxa meel ka dhabay ku ahayd!]

Xaaladdu waa quus!…wax weyn oo inoogu dhimman inaan ka ogaano Ra’iisalwazaaraha Xasan Cali KHeyre ma jiraan, waxaan intii hore is lahayn madaxda cusub hadaysan dadka isku dirayn, hadaysan hantida ummadda u shiraakoobayn, hadday ummaddooda dhibta iyo dheefta la qaybsadaan, hadaysan sidii kuwii ka horeeyay indhaha ka baryeyn ergooyinka shisheeyaha ah….Aleylahay  arrintoodii waxay ku soo dhammaatay R’i   Is-Nuugtay!…..Waase yaabee wafdigii KHeyre  markii uu New York aadayay miyaan laga soo wada tashan ujeeddada socdaalkiisa, miyaan loo soo diyaarin xubnihii ku haboonaa ama haddaan si kale u iraahdo dadkii waayo aragnimmada u lahaa hawlaha uu wafdigu u socdo ama la malaynayo inay la soo gudboonaan karaan! Miyaan  loo soo samayn barnaamij qoran oo bilow iyo dhammaad leh, mise arrintu waxay iska ahayd nin kasta inay la kulmaan oo la hadlaan oo heshiis la galaan?!… wafdiga ra’iisal wazaaraha soo raacay hawshoodu maxay ahayd? Xataa ma suuroobi weyday in lagu soo daro hal qof oo u qaabilsan wafdiga hab maamuuska iyo kulannada iyo madaxda shisheeyaha ah siday u qaabilayaan?!…. Dad iska socda oo qofkii ay arkaanba isu jajebinaaya!

Maalin kasta, khatar ka imaanaysa mas’uuliyiinta dalka, darajada iyo sharafta ay rabaan ka doonaya dadkii ay wax la qaybsan lahaayeen, shacabkooda dadnimmada uu Ilaahay siiyay iyo quwadddiisa laga qariyay! SHarafta ay huwanyihiin ee qaranimo ayaa lagaa qariyay, dhammaantood doonaya shaati nin kale leeyahay inay ku xaragoodaan!….Madax dhammaantood xirfaddii NGO-yada u qaatay inay tahay tii diplomats-ka, madax  raba inay xiriir saaxiibnimo  si shakhsi ah ula yeeshaan madaxda dalalka shisheeyaha ah, madax aan quursiga diidayn si shaqo loogu dirsado, madax u hamuun qabta in shisheeye adeegsado!….Xasan Cali KHayre, ra’iisal-wazaaraha, markii uu ka qayb gelayay kulankii guud ee golaha loo dhanyahay ee Qarammada Midoobay wuxuu fursad u helay inuu la kulmo mas’uuliyiin shisheeye oo iyagana kulankaas ka soo qayb galay.

[ Xil-DHibaan ama waziir dal kale mushaar ka qaata sidee buu uga mid noqon karaa golaha xeer dejinta ama Fulinta?!…Waali lagu miyir qabo miyaa?!]

 Marka aad dhab u fiiriso kulanka ra’iisal wazaare KHayre uu la yeeshay wafdiga Ruushka ee uu hor kacayo waziirka arrimaha dibadda ee dalkaas Sergey Lavrov, waxaa ra’iisal wazaare KHayr ka muuqda inuusan aqoon xilka uu huwanyahay, inuusan garan sababta Lavrov ugu wacday oo uu kulankaas ugu marti qaaday….KHaladka wuxuu ka soo bilowday amaba bixii ra’iisal wazaare KHayre oo aan soo wadan rag garbihiisa buuxiya sida Sergey Lavrov oo kale, bal dhab u fiiri immisa nin baa shirka la soo fariistay Lavrov, immisa nin baase la socda KHeyre?! Ha kula yaabin KHayre inuu labo nin soo kaxaysto, waayo waxaa la ii sheegay in siyaasiyiinta maanta xubnaha ama qofka wafdigooda soo raacaya oo dalalka dibadda la imaanaya ay yihiin kuwo loogu talo galay in mas’uuliyiinta shisheeyaha ah ay iyaga xiriir gaar ah uga soo sameeyaan!…oo maxaa laga rabaana?!… Bal hoos waxaad ka fiirsataa sida uu KHayre haybaddii isaga qaaday markii uu la kulmayay waziirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov, Xasan Cali KHeyre tiro 32-33 jeer ah ayuu madaxa ruxayaa inta lays baranayo iyadoo uu 45 il-briqsi keliya uu marayo waqtiga wada hadalka oo ah waqti muuqaalka gaaban ee Video-ga ….Mayeysan kula ahayn Xasan wixii loogu yeeray oo dhan isagoo aan iska haadin in laga saxiixday?!….bal dhab u fiiri Xasan sida uu madaxa leeyahay….Ilko cadaynta aan dhammaadka lahayn iyada ka waran?….

Madax dalal kale xilka u haya Soomaaliyana xukuma!…Waxaa in lays weydiiya mudan sidee baa laysugu heli karaa inaad dal mushaar ka qaadato, dal kale oo dano kaga xiranyihiina aad waziir ama xil-dhibaan ka ahaato?!….Turkiga nin baa dalkii oo dhan ka iibsaday ilaa iyo hadda heshiiskaas waxa xaqiiqdiisu tahay cid ka war qabta ma jirto!…xataa waxaa jira war ilo  xog-ogaal laga soo xigtay oo sheegaya in qoraallada iyo xogta heshiiskaas ay gaar u yihiin Xasan SHiikh Max’ud iyo dowladda Turkiga!….Xerradii Xalane?! Yaaba soo hadal qaada!…Xasan Shiikh Max’uud baa siiyay Midowga Yurub (Qaalin Geel) Midowga Yurubna iyagoo og inaysan ahayn nidaam qaynuun ah bay sidaas ku guddoomeen oo waliba ka xaaraantimeeyeen dadka iska dhaafee shimbiraha Soomaaliyeed inay geedaha Xalane ka ag baxa miraha ka cunaan!….oo yaa ka dhiidhiyay?!..Kuwii ka dhiidhiyi lahaa Tahriib bay ku wada dhinteen!…. Gole SHacab baan ka hadlin, waziirradii dalka baan soo hadal qaadin waxaas iyo wax ka daran baa maalin kasta dalkii ku socda!..DHallin-Yaradii iyo SHacabkii dalka iska lahaa maalin kasta Qaraxyo iyo Badaha bay si rakhiis ah ugu dhimanayaan!…

Sidaas oo kale Xasan SHiikh Max’ud, Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke, Axmed Max’ed Maxud Siilaanyo, Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, waxay si wada jir ah isugu raaceen inay Midowga Immaaradaha Carabta u saxiixaan  dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Maalmihii u horeeyay ee uu soo shaac baxay warka la xiriira arrinta dekedda Berbera xoogaa waxaa bilowday in siyaasiyiin badan ay ka hadleen oo ay ka hor yimaadeen, in mooshin laga keenay golaha shacabka,  waxaana la xasuusanyahay in 3dii bishii May, 2017, uu Max’ed Cusmaan Jawaari u qoray madax-weynaha Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waraaq uu ku weydiinayo nuxurka heshiiska dekedda Berber ee lala galay Midowga Immaaradaha Carabta, hasa yeeshee heshiiskaas oo ka horeeyay xilliga Farmaajo ayaa sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah uu Max’ed Cusmaan Jawaari uu isaga laf ahaantiisa qayb ka ahaa!….Waxaase yaab leh aamusnaanta  mar keliya sida ay u dhanyihiin golayaasha dowladda….maxaa khaldan?! Maxaa aayaha iyo dhaxalka jiilasha dambe loo dayacayaa?! Nin baa laga sheegay “War Hashu Maankayga Gadayee Ma Masaar Bay Liqday?!” Bal ila maleeya maxaa ka khaldamay oo dowladda oo dhan afka qabtay?!….. aawayse dhallin-yaradii  dhaxalka dhulkaan….

Dad Soomaaliyeed baa lagu laayay Itoobiya, oo siyaabo aad u fool xun loola dhaqmay,  tallaabadaas waxay cabsi walaac gelisay Itoobiyaankii awalba xuduudaha gobolka Smaliland ka soo tallaabay eek u noolaa halkaas waxayna dib ugu laabteen Itoobiya, waxaase qosol lahaa in waziirka war-faafinta Itoobiya Negeri Lencho uu taas ku tilmaamay in dad 3000 (3kun ) gaaraya oo Itoobiyaan ah laga soo bara k iciyay Somaliland,  waxaas oo dhan inta ay dhacayaan dowladda Soomaaliyeed marna hadal kama oran, walina maalin keliya golayaasha dowladda sooma hadal qaadin aajnabiga xuduudaha Soomaaliya soo jabsaday inay dalka isaga baxaan, waayo qaynuun ay joogaan ma laha cid dejisayna ma laha, khatarta ay keeni karaan iyo xiriirka ay la leeyihiin qaraxyada dalka ka dhaca, ama hubka sharci darrada lagu soo geliyo dalka cidna kama war hayso, gaar dadka ka soo talaabaya xudduudaha dalalka deriska ah waxaa shaki la’aan ah inay dano siyaasadeed u soo galeen  xudduudaha Soomaaliya ayna meesha ku ogyihiin dowladha Itoobiya iyo Kenya iyo waliba dalal kale oo doonaya inay iyagu jeexaan khariidadda siyaasadda Soomaaliyada cusub.

Negeri Lencho, markuu ka hadlayay dadka Itoobiyaanka ah ee ka cararay Somaliland wuxuu u hadlayay sidii in dadkaas laga soo eryay dalkoodii, ama ay ahaayeen dad qaxooti ah oo meesha lagu ogaa oo dalkoodii ka soo cararay, ama heshiis dowlad Soomaaliyeed iyo Qarmmada Midoobay ku joogay Somaliland, ujeeddada hadalkiisa macno weyn ma samaynayn wuxuuna u ekaa nin is muujinaya oo walaac siyaasadeed ka qaba gudaha dowladda Itoobiya, wuxuuna isku dayay inuu xiisadda Soomaalida lagu laynayo kor u sii qaado si uu u daboolo walaaciisa, isag wuxuu doonaba ha qabee dowladda Soomaaliyeed hadalkaas abbaarteedii kama oran, waxay sidaas oo kale ka aamustay oo waliba si fool-xun oo laga xishoodo u inkrtay wixii lagu sameeyay shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa Itoobiya, ahlko uu Lencho afka aburta ka sii dayniyay isagoo aan wax sharci ah cuskanayn.

[Cumar Cabdi-Rashiid haddii uu u shaqeeyo Immaaradaha Midoobay ee Carabtasi dee buu xubin uga yahay golaha shacabka Soomaaliya?!…Dastuurkee  baa qoraya sidaas?!]

DHallin-Yarrada, malaha waa hurdaanee waa inay baraarugaan oo ilaashadaan dalkooda, waa inaysan isku haleyn madax khayaantay xilkii lagu aaminay rabna inay awoodda siyaasadeed ee lagu aaminayinay dalal kale ugu adeegaan, madax xilka u haya dalal kale Soomaaliyana xukuma?…. sharcigee dhigaya in golayaasha dowladda uu soo galo nin dal kale u shaqeeya oo mushaar ka qaata?! Meesha ma la ciyaariyaa, haddii ay xaqiiqo tahay in xil-dhibaan Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke uu yahay shaqaale mushaar ka qaata dalka Immaaradaha Midoobay ee Carabta, isla markaasna iyadoo ay arrintaas cadahay uu xubin ka ahaa golayaasha dowladda sow taasi macnaheeda ma aha dhagar cad oo madaxda dowladda ay ka gashay dalka iyo dadka ma aha?! Sow ceeb iyo cambaar ku taal shacabka iyo dhallin-yarada Soomaaliyeed ma aha?! Sow calaamad xun oo dadka iyo dalka ku taal ma aha?! DHallin-Yaradu waa inay si cad u diidaan ugana hor yimaadaan riyada Immaaradaha Midoobay ee Carabta ee u soo bareeray inay dumiso oo iib geyso shaksiyadda, ruuxa iyo ludda wadaninimmada qofka Soomaaliga ah!…

Heerarka la marayo, waxaad moodaa Soomaaliya inay dib ugu noqotay qarnigii 19aad dabayaaqadiisii markii intii Afrika la soo qaybsaday oo dalalkii qaaradda uu guumeystuhu qabsaday hadana madaxda dalka xukumaysa isaga u soo magcaabyiyay. Tan iyo maalintii colaada ay bilaabatay waxaa maalin kasta inoo soo baxay niman shaati siyaasadeed qaba oo waxay doonaan dalka ka samayniya, wax kastana dhaafsaday danahoodagaarka ah, waxaa ina soo maray baddii baa sun lagu duugay, waxaa ina soo maray maraakiib jariif ah baa baddii laga kireeyay, waxaa ina soo maray baddii baa la gatay, waxaan maanta maraynaa in dekedaheenii, gigooyinkeenii, iyo dhammaan ilihii adeegyada guud dhamaan annagoo taagtaagn niman xil sheeganaya gadgadaan, oo xilka yaa u dhiibay? Midka ay dalkeena ka iibinayaan baa u dhiibay….yaa sharciga ay ku iibinayaan soo dejiyay?! Midka ay ay ka iibinayaan baa soo sharciga ay ku iibinayaan u sameeyay!….annaga maxaan xaq dhowraynaa oo laynagu hdacay, maxaan xaq dhowraynaa oo dhaxalkii awoowayaasheen laynagu dhaafiyay…SHarci iyo xeer aanan annaga samaysan, oo aan waxba laynaga weydiin, yaa ina dhacayamadax aanan annaga keensan oo aan annaga waxba inoo ogeyn oo dalal shisheeye xilka u haya!…DHalin-Yarooy Adigoo Xor Ahna Noolow, Adigoo Xor  Ahna DHimo!

 

W/Q:- Axmed-Yaasiin Maxed Sooyaan

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale, Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa Aragtida Qoraaga, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga Aragtida.