Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Itoobiya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

PUNTLAND POST

One comment on “Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Itoobiya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab”

  1. Kampala, Addis Abeba, Djibouti, Nairobi, etc.. Mudisha iyo Somalia ayaa hawl kaaga baahan ee waxba ha ku warwareegan madax dalkooda joogta.

    Mushkiladahaagu kuma xallismayaan carar iyo is-moodsiis.

    Your problems are in yourself. They are called: incompetence, immaturity, incapacity, confusion, cowardice and just simple pure infancy– mental capacity of a three-year-old
    toddler. You cannot run away from yourself.

    You go asking neighbouring countries for help in defeating Al-Shabaab. The leaders
    in the neighbouring countries are puzzled. They ask themselves if you really understand
    what an all-out war on Al-Shabaab entails in terms of strategy, resources, troops, cooperation, training, logistics.

    The leaders you are visiting understand that Al-Shabaab cannot be defeated militarily
    if the political atmosphere is not improved, where people run away from government-controlled
    places to areas under Al-Shabaab. Where Al-Shabaab provide justice, and security, which are scarce goods in areas under the Farmaajo government.

    The neighbours listen to you, appraise your overall competence and understanding and grasp of the situation.

    And they are filled with hopelessness

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *