Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar lagu Caleema-saarayo

Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-shabeelle waxaa maanta lagu caleema-saarayaa madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Xafladda caleema-saarka oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto magaaladda jowhar waxaana ka qeyb galaya mas’uliyiin ka tirsan dowladda soomaliya sida Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan cali khayre,madaama uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale waxa lagu wadaa in xafladda caleema-saarka ay ka qeyb galaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, waxaa amaanka ka qeyb qaadanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa midowga afrika AMISOM.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa 16-kii bishii September aynu soo dhaafnay ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada jowhar wuxuuna xilka ka badalay madaxweynihii xilka laga xayuubiyay ee Cali C/laahi Osoble.

PUNTLAND POST