Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka qeyb galay Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle

Madadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar ee caasimadda maamul goboleedka Hir-shabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Shiikh Abdisalaan, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo  saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jawhar kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku-xigeenka hir-shabeele, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Hir-shabeelle, nabadoono, waxgarad, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Sidoo kale waxaa xafladda caleema saarka  Madaxweynaha Hir-shabeelle ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo xubno ka socdey beesha caalamka .

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyey xafladda caleema saarka madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan-yahay kasoo qayb galka xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hir-shabeelle, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka turjumayso midawga ummadda Soomaaliyeed iyo fadaraaliisamkii Soomaaliya oo Hirgalay.

“Aniga iyo weftigayguba aad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa soo dhoweyntii aad nasoo dhoweyseen shacbiga reer Jawhar iyo Hir-shabeelleba ee wanaagsanayd, quruxda badnayd, walaaltinimada lahayd, runtii waa dawlad nimadii Soomaaliyeed oo hore u socota, doorashada Maxamed Cabdi Waare waxay ka turjumaysaa fadaraaliisamkii Soomaaliya oo socda oo hirgalay, Madaxawed Cabdi Waare inta aan ka bartay waxaan aamin sanahay dad weynaha Hir-shabeelle inay heleen hogaamiyihii u wanaagsanaa ee ay heli lahaayeen” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale  la dardaarmay una duceeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle in Alle u fududeeyo xilka uu u qaaday shacabka Hir-shabeelle, iyo ummaadda Soomaaliyeedba, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in shacabka Hir-shabeelle iyo Soomaaliya oo dhanba ay soo mareen wakhti aad u dhib badan loona baahan yahay in uu ka shaqeeyo wixii ay kaga bogsan lahaayeen xanuunkaasi iyo wakhtigaasi adkaa ee soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhammaantood Madaxweynaha Hir-shabeele Dr .Maxamed Cabdi Waare ugu hambalyeyey xilka uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba, waxaana ay Alle uga baryeen inuu Alle u fududeyo shaqada baaxaddale ee loo igmaday.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhibaatadii soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee ku wax yeeloobey qaraxii Muqdisho 14 october 2017, waxaana uu Alle uga baryey dadkaasi in Alle u naxariisto intii dhimatay, intii ku dhaawacantayna Alle u boogadayo.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.