Wasiirka Dib u dhiska iyo Horumarinta Puntland oo gaari la gadoomay

Wasiirka Horumarinta iyo Dib u dhiska Puntland ayaa shil gaari ku galay duleedka magaalada Garowe, waxaana wararku sheegayaan inay wanaagsan tahay xaalada caafimaad ee Wasiirka.

Wasiir Shaaciye ayaa kasoo safrey magaalada Gaalkacyo sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Horumarinta Puntland Abshir Cabdulaahi Maxamed.

Gaariga Wasiirka ayaa ku qalibmay agagaarka deegaanka Laac-dheere oo waxyar u jira magaalada Garowe, waxaana la socday Wasiirka qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Faahfaahinta kala soco PUNTLAND POT.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST