Shaqaaqadii xalay dhex martay masuuliyiin katirsan laamaha amniga Puntland maxay salka ku haysay?

Waxaa magaalada Garowe habeenimadii xalay  ka dhacay shaqaaqo dhex martay masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland siiba laamaha amaanka , shaqaaqadan ayaa timi kadib muran ka dhashay shir u socday laamaha amaanka loogana wada hadlaayey xoojinta nabad galyada Puntland siiba tan Gobalka Nugaal.

Muran adag ayaa dhex maray taliyaha ciidamda Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Ereg) iyo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Kornayl Cumar Cabdillaahi Faraweyne kaas oo markii danbe dhaliyey gacan ka hadal dhex maray labada masuul hase ahaate taliye Ereg ayaa markii danbe la baxay bistoolad, waxaana labba xabadood oo uu ridey mid kamida ku dhaawacmay taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Korneyl Bille Faarax Cabdi oo iminka dhaawaciisa oo ah mid fudud oo lugta ah lagu dabiibaayo magaalada Garowe.

Maxaa sababay muranka masuuliyiinta?

Waayadii danbaba waxaa jirey muran xoogan iyo khilaaf muuqda oo u dhaxeeyey laamaha amaanka Puntland kaas oo ka dhashay shaqadooda oo u muuqata mid aan u kala qeexnayn, dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland uu shaqada ka joojiyey taliyaha booliska, wallow taliye Ereg shir jaraa’id oo uu qabtay markii shaqada laga joojiyey kadib uu ku eedeyey laanta la dagaalanka argagixisada Puntland inay qaadatay shaqadii booliska.

Intaa kadib Madaxweyne Gaas ayaa iyadoo aan weli la xalin khilaafkii jirey dib shaqadii ugu celiyey taliye Ereg, waxayse wararka ay helayso PUNTLAND POST sheegayaan in tan iyo xiligii shaqada dib loogu fasaxay taliyaha ciidamada Boolisku uu sii xoogaysanaayey khilaafka u dhexeeya laamaha nabad galyada oo u kala jabay labba qaybood.

Gacankii hadalkii xalay dhex maray masuuliyiinta nabad galyada ayaa daba jooga khilaafkan oo u muuqda mid meel xun gaaray, waxaana xusid mudan in goobta shaqaaqadu ka dhacday ay joogeen wasiirka Amniga , taliyaha laanta la dagaalanka argagixisada iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha nabad galyada.

Waa markii labaad oo  dhacdo lamida ah tan ay ka dhacdo Puntland tan iyo intii uu hogaanka hayey Madaxweyne Gaas, horay ayey sidan oo kale rasaas ay isku rideen ilaalada taliyihii hore ee booliska Puntland iyo taliyihii hore ee ciidamada birmadka uu ku dhaawacmay wasiirkii hore ee amniga Cabdi Xirsi Cali ayna ku dhinteen saraakiil kale.

PUNTLAND POST